Home Wararka Caalamka Israel oo garaacday xarun militari oo ku taala dalka Suuriya

Israel oo garaacday xarun militari oo ku taala dalka Suuriya

by Laacib

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa saqdii dhexe ee xalay garaacay saldhig ay leeyihiin Militariga Suuriya oo ku yaala duleedka Magaalada Masyaf ee Gobolka Hama.

Wakaaladda Wararka Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in weerarka ay ku dhinteen shan qof, 19 kalena ay ku dhaawacmeen.

Maamulka Isbitaalka Dadweynaha ee Masyaf ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay ku jiraan kuwo ay xaaladoodu liidato.

“Weerarka ayaa sidoo kale sababay burbur soo gaaray waddada weyn ee Masyaf-Wadi Al-Uyun iyo dab ka kacay deegaanka Hair Abbas.” Ayay ku warantay SANA.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka Israel ay weerarka la beegsadeen xarun weyn oo cilmi baaris militari ah.

Wararka ayaa sheegaya in dhowr jeer la duqeeyay xarunta lagu sameeyo hubka kiimikada ee ku taala duleedka Masyaf.

“Waxaa la rumeysan yahay in ay ku sugan yihiin xarunta koox khubaro ah oo ka tirsan Militariga Iran oo ku lug leh soo saarista hubka.” Ayay qortay Reuters.

Taliska Militariga Israel ayaan weli ka hadlin weerarkan iyo ujeedadii ka dambeysay in la bartilmaameedsado xaruntaasi militari.

Israel ayaa 13-kii sano ee la soo dhaafay weeraro ka gaysaneysay dalkaasi , iyadoo inta badana bartilmaameedsaneysay goobaha lala xiriiriyo Iran.

Iran ayaa intii uu socday dagaalka sokeeye ee Suuriya waxay is garabtaag u muujisay Dowladda Madaxweyne Bashar Al Assad.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc