71 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay weerar xagga cirka ah oo Israel ay maanta ka gaysatay deegaanka Al-Mawasi ee koonfurta Marinka Gaza, kuna yaala inta u dhaxeyso Rafah iyo Khan Yunis.
Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin ayaa mar sii horreysay sheegtay in ugu yaraan 102 qof ay ku dhaawacmeen weerarka naxariis darrada ah ee Israel.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza oo mar dambe war soo saartay ayaa sheegtay in duqaynta ay ku dhinteen 71 qof, 289 kalena ay ku dhaawacmeen.
Muuqaalada laga soo qaaday goobta ay dadka barakacayaasha ah degan yihiin ee la garaacay ayaa muujinaya meydadka haween iyo carruur si xun ugu go’go’ay weerarkaasi.
Inta badan dhaawacyada dhibaneyaasha oo u badan dumar iyo carruur ayaa la kala geeyay Isbitaalada Al-Quds, Al-Amal iyo Nasser ee ku yaala Khan Yunis.
Dhanka kale Idaacadda Ciidamada Israel ayaa sheegtay in Militariga Israel ay beegsadeen goob uu ku sugnaa Madaxa Garabka Militariga Xamaas ee Guutooyinka Al Qassam, Mohammed Deif.
Idaacadda ayaa sheegtay inaysan kala caddeyn in weerarka uu ku dhintay Mohammed Deif iyo in kale, balse ay Taliska Militarigu sii wadi doonaan baaritaanada ay ku xaqiijinayaan.
Izzat Al-Risheq oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa si adag u beeniyay warka Irael ee sheegaya in duqaynta cirka lagu beegsaday hoggaamiye ka tirsan Xamaas.
Izzat Al-Risheq ayaa tani ku sheegay isku day ay Israel ku qarineyso baaxadda falka gumaadka ah ee ay ciidamadeeda ka gaysteen Marinka Gaza.
“Runtu waxay tahay in eedeymahani ay yihiin isku day lagu doonayo in lagu qariyo baaxadda dembiga iyo xasuuqa intaasi le’eg, si qiil loogu yeelo xasuuqa noocaas ah.” Ayuu yiri Izzat Al-Risheq.
Al-Risheq ayaa Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay in Israel ay bilaa sabab u leysay dadka barakacayaasha ah ee ka baxsanaya duqaymaheeda aan kala joogsiga lahayn.
Al-Mawasi waa goobtii ay Israel qoysaska barakacayaasha ee laga barakaciyay deegaanka Rafah ay u sheegtay in ay tahay goob bani’aadantinimo, isla-markaana ay gabaad u raadsadaan.
Weerarkan ayaa wax naxdin ah ku noqday bulshada caalamka, oo si weyn uga soo horjeeddo kororka dembiyada Israel ee ka dhacaya Marinka Gaza.
Iyadoo Israel loo maxkamadeynayo in ay xasuuq ka gaysatay Marinka Gaza ayay haddana si bareer ah dadka rayidka ah ugu leynaysaa meelihii ay badbaadada u doonteen.