Ciidamada Israel ayaa maanta hawlgal ka bilaabay Magaalada Hebron ee Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.
Ciidamada Israel oo lagu soo daadiyay waddooyinka magaalada ayaa hakad geliyay isu socodka gaadiidka.
Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay illaa iyo hadda xireen laba ka mid ah dadka deegaanka, kuwaa oo ay uga shakisan yihiin inay ka tirsan yihiin kooxaha wax iska caabinta.
Sidoo kale Ciidamada Israel oo ku sugan afaafka hore ee Masjidka Ibrahimi ayaa dadka u diidaya in ay gudaha u galaan masaajidkaasi.
Shabakadda Wararka Israel ee Ynet ayaa qoreysa in maamulku uu amar ku bixiyay in la xiro masaajidkan oo muhiim u ahaa dadka reer Hebron.
Hebron waa magaalada ugu weyn magaalooyinka ku yaala koonfurta Daanta Galbeed, waana mid ka mid ah magaalooyinka ugu dadka badan ee Daanta Galbeed.
Dhanka kale Ciidamada Israel ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay qaybo ka mid ah Magaalada Ramallah ee Xarunta Maamulka Falastiiniyiinta. Ramallah ayaana ku taala bartamaha Daanta Galbeed.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay xoog ku galeen xaafadaha Qarawat Bani Zeid iyo Kafr Ein ee waqooyi galbeed Ramallah.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay garaaceen wiil da’ yar ahaa, kaas oo baaskiil ku dhex watay magaalada.
Israel ayaa Arbacadii waqooyiga Daanta Galbeed ka bilowday hawlgal aan sanadahan noociisa la arag, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Israel ayaa hawlgalkeedan ku sheegtay mid ay xididada ugu siibeyso, waxa ay ku sheegtay argagixisada ka dilaacday dhulka la haysto, iyadoo hawlgalkan uu noqonayo kiisii ugu weynaa ee ay ka sameyso Daanta Galbeed, muddo 20 sano ah.
Falastiiniyiinta waxay u arkaan hawlgalka Daanta Galbeed mid ay Israel ku xoojineyso xukunkeeda militari ee ay muddada dheer ku haysatay dhulkaasi.
Hawlgalkan ayaa abuuray walaac caalami ah, iyadoo ayna cambaareeyeen Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo dowladaha gobolka qaarkood.