Home Wararka Caalamka Israel oo iclaamisay inay bartilmaameed yihiin ambalaasyada koonfurta Lubnaan

Israel oo iclaamisay inay bartilmaameed yihiin ambalaasyada koonfurta Lubnaan

by Laacib

Militariga Israel ayaa ku hanjabay in ay bartilmaameed noqon doonaan gaadiidka gurmadka degdegga ee ku sugan koonfurta dalka Lubnaan, ka dib markii ay sheegeen inay si khaldan u isticmaalaan Xoogaga Xisbullah.

Militariga Israel ayaa maanta sheegay inay burburiyeen gaari ambulance ahaa, kaas oo sida ay sheegeen ay Xisbullah ku daabuleysay hub, ayna la socdeen dagaal-yahanadeeda.

Afhayeen u hadlay Militariga Israel oo lagu magacaabo Avichay Adraee ayaa sheegay in xarumaha caafimaadka ay tahay inaysan la shaqeyn Xisbullah, haddii kalena la beegsan doono.

“Xisbullah ayaa ambalaasyada u isticmaaleysa, si ay ugu daabulaan dagaal-yahanada iyo hubka.” Ayuu yiri Afhayeenka oo aan soo bandhigin wax caddeyn ah.

Afhayeenka ayaa kooxaha caafimaadka ugu baaqay inay ka fogaadaan in la bartilmaameedsado, taasina ay ku iman karto iyagoo aan la shaqeyn Xisbullah.

“Waxaan ugu yeeraynaa kooxaha caafimaadka inay ka fogaadaan xiriirka xubnaha Xisbullah oo aysan la shaqeyn.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Avichay Adraee ayaa intaasi ku daray “Militariga Israel wuxuu xaqiijinaya in tallaabooyinka lagama maarmaanka ah laga qaadi doono gaari kasta oo daabulaya shakhsiyaad hubeysan, iyadoon loo eegin nooca uu yahay.”

Dhanka kale Militariga Israel ayaa maanta soo saaray awaamiir cusub oo dadka reer Lubnaan looga barakacinayo in ka badan labaatan tuulo oo ku taala koonfurta dalkaasi.

Militariga ayaa dadka faray inay banneeyaan dhanka waqooyi ee Webiga Awali, si aysan u noqon bartilmaameed. Militarigu waxay sheegeen inaysan dooneyn inay dhibaateeyaan dadka rayidka ah.

Adraee ayaa dadkii horey uga barakaciyay guryahooda uga digay inay ku soo laabtaan, inta uu socdo dagaalka ka dhanka ah Xisbullah.

Warkan ku aaddan in la beegsanayo gaadiidka shaqaalaha caafimaadka ayaa imanaya, iyadoo Israel ay maalmihii ugu dambeysay kordhisay weerarada ay ku hayso shaqaalaha caafimaadka ee dalkaasi ee ku howlan, sidii ay nafo u badbaadin lahaayeen.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa lagu eedeeyay in xitaa ay duqeeyeen goobo caafimaad oo ku yaala dalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc