Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa xoojiyay warka Arbacadii ka soo yeeray Wasiirkiisa Gaashaandhigga, ee ahaa in la ballaariyay hawlgalka dhinaca dhulka ee Marinka Gaza, si ciidamadu ay u qabtaan dhul cusub oo laga dhigo aag militariga ka caagan oo laga ilaaliyo amniga Israel.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa ku hanjabay in ay qabsan doonaan dhul ballaaran oo Gaza ah, oo ka mid noqonaya aagagga amni ee Israel, sida uu yiri.
Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay sii xoojin doonaan ololaha militari ee sida uu sheegay lagu la dagaalamayo Xamaas.
Wasiirka ayaa sheegaya in hawlgalka la ballaariyay uu ujeedkiisu yahay burburinta iyo nadiifinta, waxa uu ku sheegay kooxaha argagixisada iyo kaabeyaashooda.
Wasiir Katz ayaa tilmaamay in hawlgalka uu u baahnaan doono in Falastiiniyiinta ay banneeyaan goobaha ay ciidamadu ku sii socdaan.
Militariga Israel ayaa goor sii horreysay soo saaray amar ay 140 kun oo qof ugu sheegayaan in ay uga guuraan guryahooda ku yaala deegaanka Rafah ee jiidda koonfureed Marinka Gaza. Militariga ayaa shacabka u sheegay inay u guuraan goobo ku yaala waqooyiga Gaza.
Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay kala qaybin doonaan Gaza, isla-markaana ay qaadan doonaan dhulka ay qabsadaan.
Waxa kaloo uu sheegay in waddo labaad ay ka abuuri doonaan Philadelphi Corridor, oo ku taala xadka uu Marinka Gaza la wadaago Masar.
Khubarada ayaa tallaabadan ku macneeyay mid Israel ay Rafah oo ku taalo cirifka koonfureed ee Marinka Gaza kaga jareyso deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Gaza, taas oo macnaheedu yahay in xuduudda Gaza ay ka bilaaban doonto Khan Yunis, bedelkii ay ahayd Rafah oo saaran Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa xusay in Israel ay kordhin doonto cadaadiskeeda ku aaddan Xamaas, si kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta ay u sii daayaan maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza.
Dalal uu Ingiriiska ka mid yahay ayaa si adag uga soo horjeestay is ballaarinta Israel iyo in ay dhul cusub ka qabsato Falastiiniyiinta.
Duulaankan cusub ee dhinaca dhulka ayaa dhaliyay walaac xoog leh, waana xilli dadku ay la halgamayaan, wixii ay quudan lahaayeen, ka dib markii Israel ay horaantii bishii hore xanibtay gebi ahaanba gargaarkii la gaynayay Marinka Gaza.