Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa ku hanjabay inay beegsan doonaan Madaxda Ururka Xuuthiyiinta ee dalka Yemen, ka dib markii Israel ay Khamiistan duqaymo culus ka gaysatay dalkaasi.
Wasiirka oo daba jooga weerarkii ay xalay Xuuthiyiinta ka gaysteen gudaha Isrel iyo duqaymihii ay iyana maanta ka gaysteen goobo ay ka mid tahay Caasimadda Sanca ayaa uga digay Xuuthiyiinta inay sii socdaan weerarada ay ku hayaan Israel.
Xuuthiyiinta ayaa sheegay in ay xalay laba weerar ka fuliyeen bartamaha Israel, iyagoo beegsaday xarumo militari oo mid ka mid ah ay ku taala koonfurta Magaalada Tel Aviv.
Wasiirka Difaaca Israel ayaa ku hanjabay in gacanta dheer ee Israel ay gaari doonto Saraakiisha Xuuthiyiinta.
“Waxaan uga digayaa hoggaamiyeyaasha ururka argagixisada ee Xuuthiyiinta gacanta dheer ee Israel inay soo gaari doonto.” Ayuu yiri Wasiirku.
Wasiirka ayaa yiri “Mid kasta oo u gacan qaada dalka Israel, gacantiisu way go’i doontaa, kii waxyeelaa toddoba jeer baa la dhibaa.”
Dhanka kale Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog ayaa sheegay in ciidamadooda ay maanta jug culus u gaysteen Xuuthiyiinta Yemen, isagoona ciidamada ku ammaanay tallaabadaasi.
“Saacadihii la soo dhaafay waxaan aragnay awoodda weyn ee Ciidanka Cirka Israel ee u taagan ilaalinta muwaadiniinta Israel ee ka dhanka ah Xuuthiyiinta.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Herzog ayaa Ururka Xuuthiyiinta ku eedeeyay inay doonayaan in ay waxyeeleeyaan Israel iyo guud ahaanba gobolka.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa garaacay laba xarumo koronto oo ku yaala Magaalada Sanca, laba ka mid ah xarumaha saliidda ee Ras Issa iyo Dekedda Saleef oo labaduba ku yaala Hudaydah.
Ugu yaraan sagaal qof oo dad shacab ah ayaa inta la ogyahay ku dhimatay weerarada xagga cirka ee ka dhacay dalkaasi, sida uu ku waramay Al Masirah TV oo ku hadla afka Xuuthiyiinta.