Israel ayaa la sheegaya in ay ku foogan tahay, sidii ay jawaab adag uga bixin lahayd weerarkii Iran ee gantaalada loo adeegsaday ee habeen hore lagu qaaday gudaha Israel.
Dowladda Iran waxay sheegtay in weerarkaasi ay ugu aargudeysay dilkii ay Israel u gaysatay Hoggaamiyeyaashii Xamaas, Ismail Haniyeh, Xisbullah Hassan Nasrallah iyo Saraakiishii kale ee reer Iran ay ku dishay meelo ka mid ah Bariga Dhexe.
Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in maamulku uu wado qorshe ay tahay in jug xoogan lagu gaarsiiyo Iran, si ay uga caagto weeraradeeda ka dhanka ah Israel.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in Iran ay qiimo badan ku bixin doonto weerarkaasi.
Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa sheegay in Washington ay taageersan tahay in Tel Aviv ay ka aargudato Tehran, balse aan loo baahneyn inay ku talax-tagto.
Madaxweyne Biden ayaa sheegay inuusan Israel ku taageeri doonin inay bartilmaameedsato xarumaha nukliyeerka ee Iran, iyadoo laga jawaabayo weerarka Talaadadii.
Quwadaha kale ee reer galbeedka ayaa Israel u muujiyay taageeradooda ah inay ka aargudato Tehran.
Taliyaha Ciidamada Israel, General Herzi Halevi ayaa sheegay in xilli kasta ay ka aargudan karaan Iran, balse ma sheegin goorta iyo goobta. Taliyaha ayaa sidoo kale ka gaabsaday nooca ay noqon doonto jawaabtooda.
Warbaahinta galbeedka ayaa Saraakiisha Israel ka soo xiganeysa suurtagalnimada in ay bartilmaameed noqon karaan xarumaha nukliyeerka ee Iran.
Safiirka Israel ee u jooga Qaramada Midoobey, Danny Danon ayaa sheegay inaanan laga aamusi karin weerarka soo jiidashada leh ay Iran ku soo qaadday dalkiisa. Safiirka ayaa Iran ku eedeeyay inay isku dayeyso in Israel ay ku baabi’iso sida uu yiri garaan dab ah oo ka soo jeeda toddobo weji.
Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian ayaa ku goodiyay in Israel ay la kulmi doonto jawaab ka xoog badan middii hore, haddii ay soo weerarto dalkiisa.
“Haddii Israel ay go’aansato inay na soo weerarto waxay wajihi doontaa falcelin adag, oo tii hore ka xoogan.” Ayuu yiri Madaxweyne Pezeshkian.
Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran oo ah ninka sarreya dhinaca diinta ee dalkaasi, Ayatollah Ali Khamenei ayaa Mareykanka iyo reer Yurub ku eedeeyay inay dabada ka riixayaan colaadda gobolka.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa ka digay rabshadaha sii kordhaya ee gobolkaa, isaga oo xusay in gobolka ay ku jiidayaan iska horimaad ballaaran.
Xoghayaha ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ku booriyay in la qaado tallaabooyin lagu joojin karo, laguna xakameynayo colaadda Bariga Dhexe.
Guterres ayaa si adag uga digay khatarta dagaal goboleed iyo in aan hadda laga hortagin dhimbil dab ah, oo sida uu sheegay isu bedeleysa holac aad u weyn.
“Waa waqtigii la joojin lahaa silsiladda xun ee colaadda is daba jooga ah ee dadka Bariga Dhexe, taas oo halis u ah aarsi kasta, waxayna u adeegeysaa marmarsiyo tan xigta, mana iska indha tiri karno ku xadgudubka joogtada ah ee sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.” Ayuu yiri Guterres oo intaasi ku daray “Waqtigu waa gabaadsi.”
Gobolka ayaa hadda taagan meel isgoys ah oo aan la garaneyn halka uu uga dhaqaaqi doono.