Israel ayaa xoojisay duqaymaheeda Marinka Gaza, ka dib maalin kale oo si ba’an ay u garaacday qaybo badan oo ka mida dhulka go’doonsan.
Ciidamada Israel ayaa maanta cir, dhul iyo badba ka garaacay koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Marinka Gaza, oo dad fara-badan oo rayid ah ay ku dhinteen.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in meelaha ugu daran ee la duqeeyay ay ka mid yihiin Tal Al-Hawa, Sabra, Sheikh Ajlin, Al-Mughraqa iyo xerada qaxootiga Nuseirat.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in duqaymo kale ay ka dhaceen Khan Yunis, xerada qaxootiga Maghazi iyo deegaanka Rafah ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza.
Hay’adda Bisha Cas ayaa sheegtay in kooxaha gurmadka ay shan meyd oo saddex ka mid ah ay carruur yihiin ka soo saareen xerada Maghazi.
Meydadka iyo dhaawacyada tobanaan qof oo laga kala keenay goobihii ay weeraradu ka dhaceen ayaa la gaarsiiyay goobaha caafimaadka.
Sidoo kale 80 qof oo carruur ay ku jiraan ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu dilay Magaalada Gaza, oo ah tan ugu weyn ee Marinka Gaza, sida ay saraakiishu xaqiijiyeen.
Xafiiska Warfaafinta Gaza ayaa maanta sheegay in 48-kii saac ee la soo dhaafay ay Ciidamada Israel dileen, isla-markaana ay dhaawaceen 320 qof oo shacab ah.
Madaxa Hay’adda UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa sheegay in Israel ay Xarumihii Qaramada Midoobey ee Magaalada Gaza u bedeshay goob dagaal, sababo ku aaddan ballaarinteeda dagaalka.
Philippe Lazzarini ayaa sheegay in ololahan ugu dambeeyay ee Militariga Israel ay weli yihiin kuwo si xoog leh u socdo.
Taliska Militariga Israel ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in hawlgaladii ugu dambeeyay ay ku dileen tiro ka mid ah kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Israel ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Xoogaga Ururka Xamaas, oo iyagu ah cududda ugu weyn ee bishii 10aad dagaalka kula jira Ciidamada Israel.
Weerarada aan loo meel-dayin ee Israel ayaa khasaaraha rayidka ka dhigay mid si xowli ah u kordhaya.
Ugu yaraan 38,664 qof ayaa lagu dilay Marinka Gaza, tan iyo markii uu dagaalku bilowday, iyadoo in ka badan 89,097 kalena lagu dhaawacay.