Israel ayaa Marinka Gaza ka sii waddo weeraradeeda aan kala sooca lahayn ee ay ciidamadeeda ku beegsanayaan shacabka aan hubeysneyn iyo goobaha ay gabaadsanayaan.
Weerarada xagga cirka oo waxyeelada ugu badan ay ka soo gaareyso dadka rayidka ah ayay Israel maanta mar kale ku bartilmaameedsatay dad qoysas u badan, oo ku sugan goobo kala duwan oo gudaha Gaza ah.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 26 qof lagu dilay duqaymaha xagga cirka ee Arbacadan ka dhacay Jabalia, Bureij iyo Khan Yunis. Wasaaradda ayaa sheegtay in dhibaneyaasha ay u badan yihiin haween iyo carruur.
Hal weerar oo lagu qaaday guri ay dadku gabaadsanayeen oo ku yaala xerada qaxoootiga Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza ayaa lagu dilay toddobo qof.
Duqayntan ayaa daba socoto duqayn kale oo waaberigii hore ee saakay lagu qaaday guri ay ku noolaayeen qoysaska barakacayaasha oo ku yaala Jabalia. Duqayntaasi ayaa waxaa ku dhintay 14 qof, halka 20 kalena ay ku dhaawacantay.
Weerar kale oo ka dhacay xerada qaxootiga Bureij ee bartamaha Marinka Gaza ayaa lagu dilay qof dumar ah iyo ilmo yar, kuwaa oo meydadkooda la geeyay Isbitaalka Al-Aqsa.
Meydadka saddex qof oo kale ayaa la gaarsiiyay isbitaalka koonfurta Gaza ku yaala ee Nasser, ka dib duqayn lagu qaaday dhisme ku yaala deegaanka Khan Yunis.
“10 qof oo kale ayaa la la’yahay, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.
Afhayeenka Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza, Mahmoud Basal ayaa goor dhow sheegay in lix qof oo kale lagu dilay weerar lagu qaaday guri ay dad rayid ah degan yihiin oo ku yaala deegaanka Shejaiya (Shujaiya) ee bariga Magaalada Gaza.
“Lixda qof ee la dilay waxaa ku jira laba carruur ah iyo qof dumar ah.” Ayuu yiri Afhayeenku. Dadkan ayaan qayb ka ahayn tirada ay Wasaaradda Caafimaadka shaacisay maalinta sanadka cusub.
Dhanka kale Taliska Militariga Israel ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in weeraradan lagu bartilmaameedsaday Xoogaga Xamaas oo keliya, mana soo hadal qaadin dadka faraha badan ee shacabka ah ee ku dhintay.
Taliska ayaa soo saaray amar cusub oo dadka rayidka ah lagu farayo inay banneeyaan xerada bartamaha Gaza ku taala ee Bureij, halkaas oo ay sheegeen in gantaalo lagaga soo riday Israel.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa maanta ku hanjabay in Xamaas ay la kulmi doonto dharbaaxo kulul, oo aysan horey ula kulmin, sida uu yiri.
Dagaalka Israel ee Gaza ayaa sababay burbur baahsan, waxaana boqolkiiba sagaashan (90%) tirada dadka Gaza oo lagu qiyaaso 2.3 milyan oo qof lagu khasbay inay barakacaan.