Israel ayaa maanta duqayn u gaysatay iskuul ku yaala Marinka Gaza, kaasi oo ay gabaadsanayeen qoysaska sida khasabka ah looga soo barakaciyay guryahooda.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa bartilmaameedsaday Dugsiga Holy Family oo ku yaala galbeedka Magaalada Gaza.
Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa sheegtay in kooxaha gurmadka ay goobta ka qaadeen meydadka afar qof oo shacab ah, isla-markaana ay geeyeen Isbitaalka Al-Ahli.
WAFA ayaa ku warantay in dugsigan uu ka mid ahaa goobaha ku yaala galbeedka Magaalada Gaza ay badbaadada u raadsadeen dadka rayidka ah.
Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warameysa in Ciidamada Israel ay saacadihii la soo dhaafay kordhiyeen weerarada xagga cirka ah ee ay ka gaysanayaan qaybaha Marinka Gaza.
Sabtidii, diyaaradaha dagaalka Israel ayaa garaacay dugsi ay maamusho Qaramada Midoobey oo ku yaala bartamaha Marinka Gaza.
Dugsigan oo ku yaala xerada qaxootiga Nuseirat ayaa waxaa duqaynta loo gaystay ku dhintay 16 qof, iyadoo 75 kalena ay ku dhaawacantay.
Dugsigu waa mid ay gacanta ku hayso Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA), waana goob ay muddooyinkanba gabaadsanayeen qoysaska barakacayaasha.
Madaxa Hay’adda UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa weerarkan ugu dambeeyay ku qeexay “Waa maalin kale, bil kale iyo dugsi kale oo la beegsaday.”
Afhayeenka Hay’adda UNRWA, Juliette Touma ayaa sheegtay in tan iyo markii uu dagaalku bilowday ay Israel beegsatay in ka badan 190 ka mid ah xarumaha ay hay’addu ku leedahay Marinka Gaza.
“Qaarkood in ka badan hal jeer ayaa la beegsaday, tan iyo markii uu dagaalku bilowday.” Ayay tiri Juliette Touma.
Israel ayaa marar fara-badan lagu cambaareeyay weerarada ay sida indha la’aanta ah uga gaysaneyso goobaha ay dadka rayidka ah ku badan yihiin.