Home Wararka Caalamka Israel oo mar kale beegsatay Isbitaalka Al-Ahli Arab ee Gaza iyo dad ku dhintay

Israel oo mar kale beegsatay Isbitaalka Al-Ahli Arab ee Gaza iyo dad ku dhintay

by Laacib

Ciidanka Cirka Israel ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii duqeeyay dhisme isbitaal oo ku yaala waqooyiga Magaalada Gaza ee Marinka Gaza.

Diyaaradaha dagaalka ayaa bartilmaameedsaday xeendaabka Isbitaalka Al-Ahli Arab, iyadoona la soo sheegayo in burbur uu ka soo gaaray dhismaha isbitaalkaasi, tiro dad ahna ay ku waxyeeloobeen.

Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen weerarka, tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in dadka ku dhaawacmay weerarka ay ka mid yihiin carruur.

17-kii bishii October ee sanadkii hore oo la duqeeyay isbitaalkan ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof oo dad rayid ah.

Isbitaalkan ayaa ahaa kan keliya ee hadda ka shaqeynayay qaybta waqooyi ee Gaza, ka gadaal markii Israel ay dhowr bilood ka hor burburisay Isbitaalka Al-Shifa.

Isbitaalka Al-Ahli Arab oo loo yaqaano (Baptist Hospital) ayaa waxaa sidoo kale gabaadsanayay qoysas si khasab ah looga soo barakaciyay guryahooda.

Tani ayaa xoojineysa dembiyada faraha badan ee ay Israel ka gaysaneyso qaybaha Marinka Gaza oo dhan.

In la bartilmaameedsado isbitaalada, goobaha cibaadada, waxbarashada, dhismayaasha la degan yahay iyo kaabeyaasha kale ee rayidka ayaa ka dhigan dembi dagaal, marka loo eego xeerarka caalamiga ah.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in Sabtidii shalay ay isbitaaladu qaabileen meydadka 89 qof iyo dhaawaca 205 kale, tani oo noqonayso mid ka mid ah maalmihii ugu khasaaraha badnaa ee soo mara Marinka Gaza, intii uu dagaalkan socday.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza, tirada dadka rayidka ah ee la dilay ayaa gaartay 40,691 qof, halka 94,060 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc