Home Dhacdooyin Israel oo muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dalka Emirate-ka Carabta

Israel oo muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dalka Emirate-ka Carabta

by Laacib

Golaha Amniga Qaranka ee Israel ayaa ku celiyay digniintii ay horey uga soo saareen inaanan la tagi karin dalka Emirate-ka Carabta, ka dib markii lagu dilay wadaad Yahuudi ahaa oo lagu magacaabi jiray Rabbi Zvi Kogan.

Ninkan oo ka mid ahaa wadaadada Diinta Yahuudda fidisa ee Chabad, oo Khamiistii la waayay ayaa la sheegay in meydkiisa Axaddii laga helay gaarigiisa oo yiilay meel cidlo ah oo ku taala Magaalada Al Ain.

Golaha Amniga Israel ayaa muqaadiniintooda uga digay safarada Emirate-ka Carabta, isla-markaana uu weli dalkaasi ku jiro khatarta ah in lagu ugaarsan karo dadka Israeliyiinta ah ee degan iyo kuwa kale ee booqanaya.

“Emirate-ka Carabta wuxuu ku jiraa digniinta socdaalka ee heerka 3aad, taasoo la macno ah dhammaan safarada aan muhiimka ahayn in laga fogaado.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu goluhu soo saaray.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Israeliyiinta ku sugan dalkaasi looga baahan yahay inaysan tagin goobaha la isugu yimaado ee lagu ogyahay inay booqdaan, oo ay ku jiraan maqaayadaha, hoteelada iyo baararka lagu caweeyo.

“Ka fogow muujinta calaamadaha Israel, lana shaqee ciidamada ammaanka ee deegaanka, raac awaamiirtooda, isla-markaana si degdeg ah u soo sheeg, haddii aad la kulanto falal argagixiso.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Emirate-ka Carabta iyo Israel ayaa xiriirkooda caadiyeeyay sanadkii 2020, ka dib heshiiskii Abraham ee Mareykanka uu ku dhexdhexaadinayay dalalka Carabta qaarkood iyo Israel.

Sababta ay Israel muwaadiniinteeda ugu sheegeyso inaanan la booqan karin dalkaasi waa dareenka xun ee dadka gobolka uu ku yeeshay xasuuqa ay ciidamadooda ka wadaan Marinka Gaza.

Weerarada aan kala sooca lahayn ee sida naxariis darrada ah loogu leynayo shacabka aan waxba galabsan ayaa ka carreysiiyay bulshada caalamka, xitaa kuwa dalalka reer galbeedka.

Dalalka reer Yurub oo qayb ka ah xulafada ugu muhiimsan ee Israel ayaa qaar badan oo ka mid ah waxay sheegeen inay xiri doonaan Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca Yoav Gallant, haddii ay dalalkooda soo booqdaan, iyadoo laga jawaabayo amarkii Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC) ee ku saabsanaa in la soo xiro labadaasi nin iyo Taliyaha Militariga Xamaas, Mohammed Deif.

Maxkamadda ICC ayaa Khamiistii sheegtay in Gallant iyo Netanyahu loo haysto xasuuq ay Israel ka gaysatay Marinka Gaza.

Waaranka soo qabashada ee ka dhanka ah labadaasi nin ayaa ka hor istaagaya in ay booqdaan 124-ka dal ee xubnaha ka ah ICC.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc