Taliska Militariga Israel ayaa Jimcahan sheegay in saddex nin oo reer Falastiin ah ay ku dileen hawlgal laga sameeyay Magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto.
Taliska ayaa sheegay in Wassem Hazem iyo labada qof ee kale lagu dilay hawlgal ballaaran oo ciidamadu ay ka sameeyeen Jenin.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in Militariga Israel ay isku dayeen inay soo xiraan Wassem Hazem iyo laba kale oo rayid ah, ka hor inta aan lagu dilin weerar xagga cirka ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaarad drone ah ay gantaal ku dhufatay gaari ay doonayeen inay ku baxsadaan.
Taliska Militariga Israel ayaa war ay soo saareen ku sheegay in Wassem Hazem uu ahaa Taliyihii Ururka Xamaas ee Jenin.
Khamiistii, Israel ayaa sheegtay in ay dishay Muhammad Jaber (Abu Shuja’a), oo ahaa sida ay sheegeen Taliyaha Garabka Militariga Islamic Jihaad ee xerada Nour Shams ee Magaalada Tulkarm.
Israel ayaa Arbacadii waqooyiga Daanta Galbeed ka bilowday hawlgal ay sheegtay inay kaga sifeynayso kooxaha argagixisada.