Home Wararka Caalamka Israel oo sheegtay inay soo afjartay Guutooyinkii Xamaas ee Rafah

Israel oo sheegtay inay soo afjartay Guutooyinkii Xamaas ee Rafah

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa ku dhawaaqay in ay burburiyeen Guutooyinkii Ururka Xamaas ee ka dagaalamayay deegaanka Rafah ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza.

Militariga Israel ayaa sheegay in gebi ahaanba ay ka takhaluseen Xoogagii Xamaas ee dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ciidamadooda kula dagaalamayay Rafah, oo dhacda xadka Marinka Gaza uu la wadaago Masar.

“Ciidamada Israel waxay dileen 2,000 oo dagaal-yahano ah, waxayna burburiyeen 13km godad dhulka hoostiisa ah oo laga qoday aaggaasi.” Ayaa lagu yiri bayaan uu xalay soo saaray Militariga Israel.

Bayaanka ayaa lagu sheegay “Toddobaadyadii la soo dhaafay, illaa 250 dagaal-yahano oo ku sugnaa xaafadda Tel Al-Sultan ee galbeedka Rafah ayaa la dilay, oo ay ku jiraan Taliyihii Guutada iyo inta badan silsiladdii taliska.”

Ma jirto cid ka madaxbannaan Israel oo xaqiijin karta sheegashadeeda, mana jirto jawaab degdeg ah oo ka soo baxday Xamaas.

Israel ayaa tani ku dhawaaqday, xilli Khamiistii ay dagaaladu ka sii socdeen Rafah, oo muddooyinkii ugu dambeysay noqotay furinta ugu weyn ee dagaalka fool ka foolka ah ee ka soconaya Marinka Gaza.

Ciidamada Israel ayaa horaantii bishii May weerar dhinaca dhulka ah ku qaaday Rafah, iyadoo xilligaasi ay gabaadsanayeen inta badan dadka reer Gaza ee laga soo barakaciyay guryahooda. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobey, Rafah ayaa gabaad u ahayd 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah.

Israel ayaa horey u sheegtay in ay burburisay Guutooyinka Xamaas ee ka dagaalamaya qaybo ka mid ah Marinka Gaza, tiiyoo markii dambe aan xaqiiq noqonin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc