Maamulka Israel ayaa markii ugu horreysay bilaabaya in ay ciidan ahaan u qortaan Yahuudda asal raaca ah ee labiska kaga muuqaalka duwan Yahuudda inteeda kale, inkastoo ay aad uga cawdeen in la askareeyo.
Yahuudda Xariidiin ayaan ka soo mid noqon Shaqaalaha Hay’adaha Israel, tan iyo aasaaskii Dowladnimada Israel, inta taariikhda ay qoreysana weli qayb kama aysan noqon Ciidamada Qalabka Sida.
Xariidiin ayaa lagu tilmaamaa Yahuudda asal raaca ah, waxayna aad u bartaan Diinta Towreed (Towraad), waana dariiqada ugu fiirsashada badan ee Yuhuudda, iyaga oo iska soocaya bulshada, si ay ugu go’aan cibaadada.
Raggooda ayaa xirta suud madow ama jaakad madow ah iyo koofiyadaha waaweyn ee wareegga fidsan leh, haweenkooduna waa kuwo xijaaban oo asturan, waxaadna moodeysaa in ay yihiin haween Muslimiin ah, xijaabka ay xiran yihiin awgiis.
Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa Talaadadii sheegay in bisha soo socoto ee August la bilaabi doono qorista Xariidiin-ta, iyadoo laga jawaabayo amarkii dhawaan ka soo baxay Maxkamadda Sare Israel.
Maxkamadda ayaa bishii June soo saartay go’aan ay ku sheegeyso inay khasab tahay in Xariidiin-tu ay ku biiraan ciidamada. Maxkamadda ayaana amartay in dhaqaalaha laga jaro xarumaha ay diinta ku bartaan, haddii ardaydoodu aysan u hoggaansamin shuruudaha adeegga militariga.
Wasiirka Difaaca ayaa sheegay in markii ugu horreysay ay dadkaasi ku tababari doonaan xeryaha ciidamada, si ay uga mid noqdaan Ciidanka Difaaca Israel.
Wasiir Gallant ma sheegin tirada ay ka qaadanayaan dadka Yahuudda ee ku ad adag xagga diinta, balse Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in la qori karo sanadkan illaa 3,000 oo qof oo Xariidiin ah.
Warbaahinta ayaa sheegtay in dhowrka sano ee soo socdo uu qorshuhu yahay in la tababaro illaa 60,000 oo Xariidiin ah.
Ka dib duulaankii Israel ee Marinka Gaza ayaa waxaa adkaatay in la helo Israeliyiin loo qoro ciidamada, taasoo keentay in lagu soo jeesto kuwii isku sheegayay inay Yahuudda u qaabilsan yihiin xagga diinta.
Yahuudda Xariidiin ayaa muddo billo ahba ka bannaanbaxeysay inaanan laga sii jeedin amaba laga mashquulin barashada diintooda, hase yeeshee ma jirin cid dhageysatay.
Xariidiin-tu waa kuwa ugu taranka iyo dhalmada badan ee dadka Yahuudda, waana kuwa ugu saboolsan, marka loo eego bulshooyinka kale ee Yahuudda.