Taliska Militariga Israel ayaa maanta soo saaray amar ay dadka rayidka ah ugu sheegayaan in ay isaga guuraan qaybta aadka loo degan yahay ee ku taala koonfurta Marinka Gaza ee dhawaan la qorsheeyay inay noqoto goob bani’aadantinimo, si ay uga hawlgalaan hay’adaha gargaarka.
Taliska Militariga Israel ayaa dadka rayidka ah ku wargeliyay inay si buuxda u banneeyaan koonfurta deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza, isla-markaana ay u jiheystaan dhinaca Al-Mawasi, oo ku taala inta u dhaxeyso Khan Yunis iyo Rafah.
Taliska ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in goobta la doonayo inay dadku ka baxaan ay tahay meel ay ku sugan yihiin kooxaha wax iska caabinta, sidaasi daraadeedna ay u tixgelinayaan aag khatar ah.
“Waxay goobta isku bedeshay aag khatar ah, sababtoo ah gantaalo ayaa nooga soo dhacay aagga koonfureed ee Khan Yunis.” Ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaanka ayaa lagu sheegay “Digniinta aynu u jeedinayno dadka rayidka ah waxaa looga gol leeyahay, si looga fogaado khsaaraha rayidka ee goobaha lagu dagaalamayo.”
Inkastoo Israel ay horey ugu aqoonsatay Al-Mawasi goob nabdoon oo bani’aadantinimo, haddana inta badan diyaaradaheeda dagaalka ayaa ah kuwo duqaymo ka gaysta.
Israel ayaa 22-kii bishan soo saartay awaamiir ay dadka uga rareyso aaggii kale ee bani’aadantinimo ee bariga Khan Yunis, iyadoona Isniintii ku dishay, kuna dhaawacday dad gaaraya illaa 300 oo qof.
Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa Israel ku eedeeyay in ay dadka rayidka ah uga daba tageyso goobihii ay amartay inay gabaadka u raadsadaan.
Israel ayaa marba barakacineysa qayb ka mid ah dadka reer Gaza, xilli ay dadku badankoodu la nool yihiin gaajo daran, sida ay qireenba dadka ka shaqeeya howlaha gargaarka.
Israel ayaa qaadeyso tallaabooyin ay uga sii dareyso xaaladda bani’aadantinimo ee shacabka Falastiiniyiinta ee la halgamaya wixii ay quudan lahaayeen, si ay u noolaadaan.
Qoysaska barakacayaasha ayaad arkeysaa inay bidix iyo midig u barakacayaan, iyagoo raadsanaya goobo ay kaga badbaadaan duqaymaha joogtada ah ee Israel, waana xilli aanay Gaza ka jirin meel ammaan ah.
Inta badan dadka reer Gaza ayaa marar fara-badan lagu khasbay inay qaxaan.