Taliska Militariga Israel ayaa soo saaray natiijada baaritaankii dilka ay ciidamadooda u gaysteen toddobo ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda World Central Kitchen.
Shaqaalahan oo ka hawlgelayay Marinka Gaza ayay Ciidamada Israel Isniintii ku dileen weerar xagga cirka ah, oo ay la eegteen baabuurkii ay la socdeen, xilli ay marayeen bartamaha Gaza, gaar ahaan Deir al-Balah.
Taliska Militariga Israel ayaa Jimcihii sheegay in weerarku uu ahaa mid ka dhashay saddex khalad oo waaweyn, isla-markaana saraakiisha iyo ciidamada ka shaqeeya hawlgalada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay shaqaalaha gargaarka ku khaldeen nin hubeysan, deetana ay gantaal ku dhufteen mid ka mid ah gaadiidka Hay’adda World Central Kitchen, oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka.
Taliska ayaa warbixintooda ku sheegay in shaqada laga eryay laba sarkaal, saddex kalena lagu canaantay doorkii ay ku lahaayeen duqaynta lagu dilay shaqaalaha gargaarka ee cunto qaybinta ka waday Marinka Gaza
Warbixinta ayaa lagu sheegay in saraakiishaasi ay si khaldan u maamuleen xog muhiim ah, isla-markaana ay ku xadgudbeen xeerarka hawlgelinta.
Natiijadan ayaa calaamad u ah qirasho ceeb ah oo Israel ay qiratay, taas oo wajaheysa eedeymo isa soo taraya, ugana imaanaya xulafadeeda muhiimka ah oo Mareykanka ugu horreyo, oo ah inaanay Israel samayn wax ku filan, si ay u ilaaliso dadka rayidka ah oo shaqaalaha gargaarka ay ku jiraan.
Washington ayaa Israel ku dhalleeceysay dilalkeeda aan kala sooca lahayn ee dagaalka ay kula jirto Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza.
Natiijada baaritaanka ayaa xoojineysa shakiga weyn ee dunida ka muujineyso go’aan qaadashada Militariga Israel, marka aad eegto inaanay u kala soocnayn shacabka Falastiiniyiinta, shaqaalaha hay’adaha gargaarka iyo Xoogaga Xamaas.
Ururada Xuquuqul Insaanka iyo dowladaha ka soo horjeeda qaabka ay Israel dagaalka u waddo ayaa marar badan ku eedeeyay Ciidamada Israel in si taxadar la’aan ah ay u beegsadaan dadka aan waxba galabsan, taas oo natiijadeedu noqotay in hawlgaladooda militari ay ku dhintaan in ka badan 33,000 oo qof oo rayid ah.
Israel ayaa marar kala duwan si indho la’aan ah u beenisay in ciidamadeeda ay dilaan dadka rayidka ah.
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobey waxaa Gaza lagu dilay ku dhawaad 200 oo ka mid ah howlwadeennada gargaarka, oo ay ku jiraan 175 ka mid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobey.
Weerarkan ugu dambeeyay ee lagu dilay Shaqaalaha Hay’adda World Central Kitchen ayaa sii xumeeyay muuqaalka Israel ee caalamka.
Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa hadda sheegaya in hadda ka dib ay ka fogaan doonaan weerar la mid ah kaas.
“Waa masiibo, waana dhacdo halis ah oo aan masuul ka nahay, mana ahayn inay dhacdo, waxaana hubin doonnaa in aanay mar dambe dhicin mid la mid ah.” Ayuu yiri Afhayeenka oo Warbaahinta la hadlay.
Shaqaalaha World Central Kitchen ee la dilay ayaa isugu jiray saddex u dhashay Ingiriiska, min hal qof u dhashay Australia, Poland, Falastiin iyo mid haystay dhalashada Mareykanka iyo Canada.