Weerar xagga cirka ah oo xalay ka dhacay bartamaha Magaalada Beirut ayaa lagu dilay 22 qof, halka 117 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan.
Duqaynta oo ahayd mid is xigxigtay ayaa lagu qaaday dhismayaal ku yaala xaafadaha ay dadka ku badan yihiin ee Ras El-Nabaa iyo Al-Nuweiri.
Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedka uu ahaa Sarkaal ka tirsan Ururka Xisbullah oo lagu magacaabo Wafiq Safa.
Al Jazeera ayaa ku warantay in Wafiq Safa oo ahaa Madaxa Qaybta Xiriirka & Isku Xirka Xisbullah uu ka badbaaday weerarka.
Dad fara-badan oo ka baxay guryihii ay deganaayeen ayaa isugu soo baxay waddooyinka, iyagoo ka baqdin qaba in mar kale la soo hujuumo dhismayaasha dhaadheer.
Goobaha uu weerarku ka dhacay ayaa ka baxsan xaafadaha koonfureed ee magaalada, halkaas oo labadii toddobaad ee ugu dambeysay ay si joogta ah uga dhacayeen duqaymaha ay gaysanayaan diyaaradaha dagaalka Israel.
Tan iyo wixii ka dambeeyay 27-kii bishii September, markaas oo Israel ay duqayn ku dishay Hoggaamiyihii Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah ayaa waxaa kordhayay weerarada ay Israel ka fulineyso magaalada, gaar ahaan xaafadaha koonfureed oo Xoogaga Xisbullah ay ku badan yihiin.
Dadka reer Lubnaan iyo muwaadiniinta kale ee shisheeye ee ku sugan dalkaasi ayaa arka in ay soo wajahday xaalad khatar badan, ka gadaal markii Israel ay ku dhawaaqday inay meel walba oo Lubnaan ka mid ah ku beegsaneyso Xoogaga Xisbullah.
Hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in duqaymaha cirka ee Israel ay khatar ku yihiin dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, iyadoona ka digtay xasuuq ay Israel ka gaysato dalkaasi.
Saraakiisha Lubnaan ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Israel ay dileen dad rayid ah, oo isku dayayay in ay ka baxsadaan duqaymaha aan kala sooca lahayn ee ay Israel waddo.
Dadka rayidka ah ee ka cararaya guryahooda oo u badan dumar iyo carruur ayaa ka walaacsan duqaymaha Israel oo lagu sheegay kuwo aan loo meel dayeynin.
Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in dad kor u dhaafaya 2,160 qof ay ku dhinteen duqaymaha, halka in ka badan 10,200 kalena ay ku dhaawacmeen.
Ku dhawaad 1.5 milyan oo dad rayid ah ayay duqaymuhu ku khasbeen inay qaxaan. Tiradan waa inta dalka gudihiisa ku barakacday.
Dowladda Lubnaan ayaa xaqiijisay in in ka badan 400,000 oo qof oo isugu jira Lubnaaniyiin iyo Suuriyaan, oo ka cararay koonfurta dalkaasi ay gaareen dalka Suuriya.
Weerarada ballaaran ee Israel ayaa dalka oo dhan geliyay xaalad dagaal, iyadoona ay dadka rayidku yihiin dhibaneyaasha dagaalkan.