Ciidanka Difaaca Israel ayaa weerar ba’an ku haya Marinka Gaza, xilli ay isku dayayaan in ay si qoto dheer gudaha u soo galaan koonfurta iyo waqooyiga Marinka Gaza.
Diyaaradaha dagaalka Israel iyo ciidamada ku hubeysan madaafiicda goobta ayaa si aan kala joogsi lahayn u garaacaya koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Marinka Gaza.
Ciidamada Israel ayaa shalay oo keliya waxay Gaza ku dileen in ka badan 112 qof, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawaceen, sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha caafimaadka. 71 ka mid ah dadkan ayaa lagu dilay Magaalada Gaza, oo ah tan ugu weyn Marinka Gaza.
Duqaymahan ah ayaa ah kuwo waddada loogu furayo Ciidamada Israel ee la soo dhoobay xuduudaha Gaza ee ujeedku yahay in ay isku soo fidiyaan Gaza.
Weerarada ay Israel sii xoojineyso ayaa baqdin ku haya dadka rayidka ah, waxayna qaar badan oo ka mid ah dadku ay ka barakacayaan guryahooda iyo goobihii ay gabaadsanayeen.
Meelaha aadka looga barakacayo ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Shuja’iyya ee bariga Magaalada Gaza, kuna dhow xadka ay Israel ka dhex sameysay Gaza iyo dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.
Al Jazeera ayaa warisay 135 kun oo Falastiiniyiin ah ay qaxeen 24-kii saac ee u dambeysay, kuwaas oo intooda badan lugeynayay, waxayna qaarkood ay dhabarka ku siteen alaabahooda, halka qaar kalena ay isticmaalayeen gaari dameer.
Wasiirka Difaaca Israel ninka lagu magacaabo Israel Katz ayaa sheegay in Israel ay qabsan doonto dhul ballaaran oo Gaza ah, ciidamaduna ay gaari doonaan meelo badan, isla-markaana ay tanina u baahnaan doonto in qoysas badan laga daadgureeyo Marinka Gaza.
Wasiirka ayaa sheegay in dhulkan cusub laga dhigi doono aag militariga ka caagan oo laga ilaaliyo amniga Israel.
Taliska Militariga Israel ayaa soo saaray amar cusub oo dadka loogu sheegay inay banneeyaan xerada qaxootiga Jabalia, oo ah deegaanka ugu weyn ee waqooyiga Marinka Gaza, waana xilli talisku uu dhawaan dadka faray inay ka guuraan deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.
Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada (OCHA) ayaa Khamiistii sheegay in tan iyo markii Israel ay soo cusbooneysiisay weeraradeeda Gaza in 280 kun oo reer Gaza ah lagu khasbay in ay ka barakacaan guryahooda.
OCHA ayaa sheegtay in Israel ay soo saartay amaro dheeraad oo barakacin ah, taas oo mar kale dadka ku riixday in ay baxsadaan si ay ammaan u helaan.
OCHA waxay sheegtay inay aad u kordheyso tirada dadka barakacaya, iyadoo sida ay sheegtay aanu jirin hoy haray oo dadkaasi ay degi karaan. Gaza ayaa si xun ugu burburtay duulaanka sanadka iyo barka jirsaday.
OCHA ayaa ku warameysa in xanibaadda gargaarka ee Gaza ay adkeynayso in wax laga qabto xaaladda bani’aadantinimo ee aadka u sii xumaaneysa ee ka jirta qaybaha Gaza oo dhan.
OCHA iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ayaa Israel ugu baaqay inay si degdeg ah u furto isgoysyada ay ka soo gudbi karaan kolonyada gargaarka ee ku diyaarsan bannaanada Gaza.
Israel ayaa dadka reer Gaza isugu dartay colaad, qax iyo gaajeysiin, iyadoo gaajeysiinta u adeegsaneysa sida hub oo kale, si ay ugu gaarto ujeedooyinkeeda dagaalka, waana dembi dagaal, sida ku xusan sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.