Home Wararka Caalamka Israel oo weerar culus ku qaadday goob la sheegay inuu ku sugnaa ninka bedelaya Hassan Nasrallah

Israel oo weerar culus ku qaadday goob la sheegay inuu ku sugnaa ninka bedelaya Hassan Nasrallah

by Laacib

Israel ayaa xalay Magaalada Beirut ka fulisay mid ka mid ah duqaymihii ugu xooganaa, iyadoona uu bartilmaameedkeedu u muuqday Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Xisbullah.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Israel ay xalay duqaymo ku mireen xaafadaha koonfurta ee magaaladaasi.

Muuqaalo lagu baahiyay barraha bulshada ayaa laga arkayay qaybo badan oo magaalada ah oo dab uu qabsaday iyo holaca dabka oo dadku ay ka arkayeen xaafadaha ka durugsan goobihii la weeraray.

Saraakiil Israeliyiin ah ayaa Warbaahinta caalamiga u sheegay in qaraxyo xiriir ah lagu bartilmaameedsaday Hashem Safieddine oo ka tirsan Saraakiisha Xisbullah, kaas oo la hadal hayo in uu bedeli doono Hoggaamiyihii Xisbullah ee la dilay waa Hassan Nasrallah.

Sarkaal Israeli ah oo magaciisa aan la sheegin ayaa CNN u sheegay in la garaacay goob uu ku sugnaa Hashem Safieddine.

Ma cadda in la dilay Safieddine iyo in kale, balse Militariga Israel ayaa xaaladda qiimeynaya.

Safieddine oo ay ilmo adeer yihiin Hassan Nasrallah ayaa madax ka ah Golaha Fulinta ee Xisbullah. Mareykanka ayaana sanadkii 2017 ku daray liiska argagixisada caalamiga ah.

Dhanka kale Militariga Israel ayaa shacabka degan xaafadda Bourj El Barajneh ee koonfurta Beirut ku wargeliyay in ay isaga fogaadaan dhawr dhisme oo la cayimay.

Militariga Israel ayaa khariirad ay soo saareen ku sheegay in dhismayaashaas ay u adeegaan danaha Xisbullah, mar dhowna la beegsan doono.

Dadka rayidka ah ayaa loogu baaqay in ay si degdeg ah 500 oo mitir uga fogaadaan dhismayaashaasi.

Bourj El Barajneh ayaa ah goob isku raran ah oo dadku ay ku badan yihiin, waxaana ku taala xero qaxooti Falastiiniyiin ah, waana xaafad ay degan yihiin muhaajiriin badan oo sabool ah.

Tan iyo markii Israel ay Jimcihii hore duqayn ku dishay Hassan Nasrallah, Hoggaamiyihii Ururka Xisbullah ayaa waxay joogteysay duqaymaha ay ka fulineyso Caasimadda Beirut.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc