Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa aroornimadii hore ee Sabtidan qaaday weeraro xiriir ah, oo ay ka fuliyeen gudaha dalka Iran.
Weeraradan ayaa ahaa kuwo lagu bartilmaameedsanayay xarumaha ciidamada ee ku yaala hareeraha magaalada caasimadda ah ee Tehran.
Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in mowjado duqaymo ah lagu qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaala galbeedka, koonfurta iyo bariga Tehran.
TV-ga Israel ee Channel 12 ayaa sheegay in la bartilmaameedsaday Xarunta Taliska Ilaalada Kacaanka Iran ee Magaalada Tehran iyo goobo kaloo ciidan.
Channel 12 ayaa ku waramaya in duqaynta oo laba wareeg ahayd in wareeggii hore lagu beegsaday goobaha lagu sameeyo gantaalada iyo weliba xarumaha difaaca hawada.
Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegtay in qaraxyo waaweyn laga maqlay Caasimadda Tehran, ka dib weeraradii ay Israel qaadday.
Warbaahinta Iran oo soo xiganeysa Saraakiisha Ilaalada Kacaanka ayaa ku warantay in la garaacay saldhigyo militari oo ku yaala galbeedka iyo koonfurta Tehran.
Illaa iyo hadda lama sheegin in la weeraray xarumaha nukliyeerka iyo saliidda ee Iran. Wakaaladda Wararka Tasnim oo lala xiriiriyo Taliska Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in aanu jirin wax weerar ah oo lagu soo qaaday warshad saliidda sifeysa oo ku taala koonfurta caasimadda.
Telefishinka Qaranka ayaa sidoo kale baahiyay in howlaha Garoonka Diyaaradaha Imam Khomeini ee Tehran ay sidoodii u socdaan. Telefishinka ayaa xusay in aanu wax dib u dhac ah ka jirin garoonka kale ee Mehrabad.
Ma cadda baaxadda khasaaraha ka dhashay duqaymaha xiriirka ah ee lagu qaaday Magaalada Tehran.
Dhanka kale Wakaaladda Wararka Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in Israel ay weerartay qaar ka mid ah xarumaha militariga ee ku yaala bartamaha iyo koonfurta Suuriya.
Ciidanka Cirka Israel ayaa loo maleynaya in ay duqeeyeen kaabeyaasha militari ay Iran ku leedahay dalkaasi Suuriya.
Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa soo bandhigay sawirka Netanyahu oo ku sugan xarunta hawlgalada ee Taliska Militariga, intii uu socday weerarka.
Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa teleefanka kula hadlay dhiggiisa Israel Yoav Gallant, ka dib markii Israel ay ku dhawaaqday inay bartilmaameedyo ka fulisay gudaha Iran.
Weeraradan ayaa jawaab u ah weeraradii gantaal ee ay Iran 1-dii bishan ku qaadday Israel, markaas oo ay ka aargudaneysay dilkii ay Ismail Haniyeh ugu gaysatay Magaalada Tehran.
Afhayeenka Ciidamada Israel, Daniel Hagari ayaa war qoraal ah ku sheegay in Israel ay xaq u leedahay in ay ka jawaabto weerarkii Iran, isla-markaana ay u diyaarsan tahay sida uu yiri weerar iyo difaac buuxa.
Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden iyo haweeneyda kuxigeenka u ah Kamala Harris oo olole ka wada Texas ayaa warbixin laga siiyay duqaymaha xagga cirka ee lagu qaaday Iran, sida ay BBC ku warantay.
Dowladda Iran ayaan illaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin duqaymaha aan horey noocooda loo arag ee ay Israel ka gaysatay dalkaasi, balse waxay muddooyinkanba ku hanjabeysay in ay jawaab adag ka bixi doonto weerar kasta oo Israel kaga yimaada.
Iran waa cadowga ugu weyn Israel ee Bariga Dhexe, waana xulafada ururada hubeysan ee gobolka ka jira.