Home Wararka Caalamka Israel oo weerar ku dishay taliye sare oo ka tirsanaa Ururka Fatax (SAWIRRO)

Israel oo weerar ku dishay taliye sare oo ka tirsanaa Ururka Fatax (SAWIRRO)

by Laacib

Ururka Fatax ee Falastiin ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah Taliyeyaashooda Militariga lagu dilay weerar xagga cirka ah oo maanta ka dhacay koonfurta dalka Lubnaan.

Khalil Al-Makdah ayaa lagu dilay duqayn lala beegsaday gaarigii uu la socday, oo marayay magaalada xeebta leh ee Sidon.

Taliska Militariga Israel oo sheegtay masuuliyadda dilkiisa ayaa sheegay in sarkaalkan uu wada shaqayn dhow la lahaa Taliska Ilaalada Kacaanka Iran.

Taliska Militariga Israel ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ninkan uu hub iyo lacagba soo gelinayay Daanta Galbeed ee Israel xoogga ku haysato.

Garabka Militariga Fatax ee Al Aqsa ayaa sheegay in Shahiid Khalil Al-Makdah la dilay, isagoo gudanaya waajibaadkiisa ah taageerada shacabka Falastiiniyiinta.

Wakaaladda Wararka Lubnaan ee NNA ayaa ku warantay in diyaarad drone ay gaariga marxuumka ku garaacday agagaarka Villas ee Sidon.

Wakaaladda Wararka NNA waxay sheegtay in laba qof oo kale ay ku dhinteen weerarka, kuwaa oo mid ka mid ah uu ka tirsanaa Ilaalada Kacaanka Iran ee Guutada Qudus, oo ah Garabka Hawlgalada Dibadda ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah.

Fatah ayaa Israel ku eedeysay in ay waddo tallaabooyin ay ku balllaarineyso colaadda, isla-markaana ay uga sii dareyso xiisadda Bariga Dhexe.

Dilka Al-Makdah ayaa imanaya toddobaad ka dib, markii Madaxweynaha Falastiin, Mahmoud Abbas uu sheegay in isaga iyo masuuliyiinta kale ee maamulka ay tagi doonaan Marinka Gaza, si garab istaag ay ugu muujiyaan dadka reer Gaza, loona joojiyo dembiyada baahsan ee Israel.

Madaxweyne Mahmoud Abbas waa Hoggaamiyaha Ururka Fatax, kaas oo fadhigiisu yahay Magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed ee la haysto.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc