Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa duqayn ka gaystay magaalada dekedda leh ee Latakia ee dalkaasi Suuriya, sida ay ku warantay Warbaahinta Dowladda.
Wakaaladda Wararka Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka Israel ay aroornimadii hore ee saakay ay weerareen magaalada ku taala Badda Mediterranean-ka.
Militariga Suuriya ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in nidaamka difaaca hawada ee dalkaasi uu ka hortegay weerarka.
Laba qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen firir ka dhashay gantaalada Israel ee sida la sheegay in laga horgeeyay gantaalada difaaca cirka.
Militariga Suuriya ayaa sheegay in firirka gantaalada ay sidoo kale saameeyeen nawaaxiga kontoroolka laga galo magaalada, isla-markaana uu sababay dab ka kacay goobta.
Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in qaraxyo dhowr ah laga maqlay xarun ciidan oo ku taala afaafka hore kontoroolka bari ee Latakia.
Wararka ayaa sheegaya in Shaqaalaha Dab-demiska ay gaareen goobta, isla-markaana ay baqtiiyeen dabka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la weeraray goob ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Suuriya iyo weliba Xoogaga Xisbullah.
Kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in Israel ay beegsatay bakhaar hub oo ku yaala magaaladaasi.
Weerarka ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel aan sidaasi uga fogeyn saldhigga weyn ee uu Ruushku ku leeyahay bariga magaalada.
Saldhigga Hmeimim ayaa ah mid ay degan yihiin Ciidanka Cirka Ruushka, waana goob uu Ruushku ka ilaaliyo danaha dowladda dalkaasi.
Israel ayaa waxaa naadir ah inay weerar ka fuliso magaaladan, sababtu tahay joogitaanka Militariga Ruushka.
Israel ayaan wax faallo ah ka bixin weerarkan, iyadoo aysan inta badana ka hadlin weerarada xagga cirka ee ay ka gaysato dalkaasi.
Israel ayaa dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeysay dalka Suuriya ka wadday duqaymo ay ku bartilmaameedsaneyso Saraakiisha Suuriya, kuwa Militariga Iran iyo xubnaha ay la xiriiriso Xisbullah.
Militariga Israel ayaa la fahamsan yahay in weeraradooda Suuriya ay kordheen, wixii ka dambeeyay weerarkii Xamaas ay 7-dii bishii October ee sanadkii hore ku qaadday dhulka ay Israel maamusho.
Israel ayaa marar badan ku hanjabtay inaysan aqbali doonin in Iran iyo xulafadeeda Xisbullah ay xoojiyaan saamayntooda Suuriya.
Xisbullah oo Iran ay kaabto ayaa sanadihii la soo dhaafay ka dagaalameysay dalka Suuriya, si Xukuumadda Bashar Al-Assad looga gacan siiyo dagaalkii ay kula jirtay kooxihii ka soo horjeeday.
Horaan, Israel waxay ku eedeysay Iran inay dalka Suuriya u adeegsato marin ay hubka uga gudbiso Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan.
Weerarka Latakia ayaa imanaya, iyadoo la hadal hayo in Israel ay qorsheynayso in ay bartilmaameedsato kaabeyaasha Ilaalada Kacaanka Iran ay ku leeyihiin dalkaasi.
Israel ayaa laga yaabaa in weeraradan ay kaga aargudato gantaalihii faraha badnaa ee ay Iran 1-dii bishan ku weerartay gudaha Israel, xilligaas oo Iran ay sheegtay inay kaga jawaabeysay dilkii ay Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh ugu gaysatay Caasimadda Tehran.