Ciidamada Israel ayaa maanta dad badan oo rayid ah ku laayay deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza, ka dib markii duqaymo is xigxigay ay ka gaysteen.
Ugu yaraan 36 qof ayaa lagu dilay duqaymaha ka dhacay Khan Yunis, iyadoo tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.
Dadka dhintay waxaa ka mid ah 11 qof oo isku qoys ah, oo ay ku jiraan laba carruur ah, ka dib markii weerar xagga cirka ah ay Israel ku qaadday hoygooda oo ku yiilay Khan Yunis.
Meydadka 33 qof oo ka mid ah dhibaneyaasha ayaa la geeyay Isbitaalka Nasser ee Khan Yunis, halka saddexda kalena la geeyay Isbitaalka Al Aqsa ee bartamaha Marinka Gaza.
Maamulka Isbitaalka Nasser ayaa sheegay in 17 kale lagu dilay weerar ay diyaaradaha Israel ka gaysteen waddo marta koonfurta Khan Yunis, oo ay ku jiraan rakaab la socday dhugdhugley.
Maamulka ayaa xaqiijiyay in duqayn kale oo ka dhacday bariga Khan Yunis lagu beegsaday dad saarnaa mooto bajaaj, shan qofna ay halkaasi ku dhinteen.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay inay dib u eegis ku samayn doonaan wararka sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteen duqaymahan ay ka gaysteen Khan Yunis.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay 48-kii saac ee la soo dhaafay ay dileen 69 qof, 212 kalena ay dhaawaceen.