Home Dhacdooyin Israeliyiin badan oo ka cararay Magaalada Haifa

Israeliyiin badan oo ka cararay Magaalada Haifa

by Laacib

Baqdinta ka dhalatay xiisadda u dhaxeyso Israel & Xisbullah iyo walaaca amni ee laga qabo suurtagalnimada dagaal buuxa oo dhex mari kara labada dhinac ayaa ka gudubtay deegaanada ku yaala xuduudda Israel iyo Lubnaan.

Shacabka Israel ee ku dhaqan magaalada dekedda leh ee Haifa ayaa baqdin badani ka muujinaya isku dhac toos ah oo dhex mara Israel iyo Xisbullah, ka dib dilkii ay Israel u gaysatay Abaanduulihii Garabka Militariga Xisbullah, Fu’ad Shukur, kaas oo 30-kii bishii July lagu dilay duleedka Caasimadda Beirut.

Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah oo 1-dii bishan jeediyay khudbad uu kaga hadlayay dilka ninkaasi ayaa iclaamiyay dagaal aan xadidineyn oo ka dhan ah Israel. Hoggaamiyaha ayaa ku hanjabay inay ka aargudan doonaan Israel, ka dib markii uu ku eedeeyay inay ka gudubtay khadka cas.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo u jawaabayay Hassan Nasrallah ayaa sheegay in Israel ay diyaar u tahay inay ka jawaabto weerar kasta oo kaga yimaada cadowgeeda, sida uu yiri.

Bulshada ku dhaqan Magaalada Haifa ayaa arka in dhibaato weyni ay soo fool leedahay, waxayna qaarkood isaga carareen magaaladaasi.

Qaarka kale ee magaalada ku harsan ayaa wada isku dayo ay kaga gaashamanayaan, haddii uu mustaqbalka dhow dagaal ka dhex qarxo labada dhinac. Dadkan ayaa gabaad ka sameysanaya dhulka hoostiisa, waxayna ku daabulayaan waxyaabaha aasaasiga ah ee nolosha, si ay maalmo, toddobaadyo amaba billooyin ay ugu moodaan.

Warshadaha saliidda ee ugu weyn Israel ee ku yaala Haifa, haamaha waaweyn ee shidaalka iyo bartilmaameedyo kale oo aad u guban kara oo ku yaala magaalada ayaa waxaa suurtagal ah in la beegsado.

Haifa oo caan ku ah dalxiiska ayaa waxaa si weyn hoos ugu dhacay dadkii dalkiisa ku iman jiray amaba waxaa la dhihi karaa, ma jirto wax dalxiiseyaal ah oo muddooyinkan soo booqday magaalada.

Sidoo kale shacabka Israel ayaa ka barakacaya qaybo ka mid ah deegaanada waqooyiga Israel, sababo ku aaddan kororka baqdinta laga muujinayo in xilli kasta ay Xisbullah aargudan karto.

100 kun oo qof oo Israeliyiin ah ayaa horey uga barakacay deegaanada ku dhow dhow xadka Lubnaan, ka dib toban bilood oo Israel iyo Xisbullah ay duqaymo isku weydaarsanayeen xuduudda.

Xiisadda gobolka ayaa waxaa uga sii daray dilkii Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh loogu gaystay dalka Iran. Ismail Haniyeh ayaa la dilay 31-kii July, maalin uun ka dib, markii uu Magaalada Tehran kaga qaybgalay munaasabadda caleemo-saarka ee Madaxweynaha cusub ee Iran, Masoud Pezeshkian.

Iran iyo xulafadeeda gobolka ayaa wacad ku maray inay si adag uga aargudan doonaan Israel, iyadoo Iran ay lagama maarmaan u aragto in ay ka jawaabto xadgudubka ka dhanka ah madaxbannaanideeda.

Guud ahaan gobolka ayaa waxaa ka jirta cabsi xoog leh oo laga qabo isku dhac ballaaran.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc