Home Dhacdooyin Israeliyiinta mayalka adag oo halis geliyay nolosha 60 qof oo Falastiiniyiin ah

Israeliyiinta mayalka adag oo halis geliyay nolosha 60 qof oo Falastiiniyiin ah

by Laacib

Israeliyiinta mayalka adag ee deegaameynta looga sameeyay Daanta Galbeed ee la haysto ayaa sii wada weerarada ay ku hayaan Falastiiniyiinta halkaasi degan.

Kooxahan ayaa maanta dab qabadsiiyay gaadiid iyo dhisme dhowr dabaq ah oo ku yaala deegaanka Al-Bireh ee u dhow Magaalada Ramallah.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in kooxahaasi ay dareere ku shubeen baabuur tiilay dhismaha hoostiisa, ka dibna ay dab qabadsiiyeen.

Ihab Al Zabin oo ka mid ah dadka degan dhismaha uu waxyeelada ka soo gaaray weerarka ayaa sheegay in uu arkay dabka oo baabi’iyay ku dhawaad 20 baabuur oo dhinacyada dhismaha ay dadku dhigteen.

Al Zabin ayaa sheegay in raggii weerarka soo qaaday ay ka baxsadeen goobta, dadka deegaankana ay isugu soo baxeen, sidii ay dabka u baqtiin lahaayeen.

Maamulka Falastiiniyiinta ee fadhigiisu yahay Magaalada Ramallah ayaa sheegay in xasuuq uu ka dhici lahaa goobtaasi, balse uu Alle badbaadiyay illaa 60 qof oo hoy uu u yahay gurigaasi.

Laila Ghannam oo ah Gudoomiyaha Ramallah iyo Al-Bireh ayaa Warbaahinta u sheegtay in ay kordhayaan weerarada ay gaysanayaan Israeliyiinta xoogga lagu soo dejiyay Daanta Galbeed, isla-markaana aanay jirin cid la xisaabtameysa.

Laila Ghannam ayaa Maamulka & Ciidamada Israel ku eedeysay in aysan waxba ka qabaneyn kororka weerarada ay gaysanayaan Israeliyiinta xagjirka ah.

Israel ayaa Daanta Galbeed ku qabsatay dagaalkii ay Carabta la gashay sanadkii 1967-kii, iyadoona illaa 490,000 oo Israeliyiin ah deegaameyn uga sameysay dhulkaasi la haysto.

Israeliyiinta la deegaameeyay ayaa door firfircoon ka qaadanaya isku dhacyada soo noqnoqday ee Ciidamada Israel iyo Falastiiniyiinta ku dhex maraya deegaanada Daanta Galbeed.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa Maxkamadaha Israel ku dhalleeceeya inaysan si sax ah sharciga ugu qaadin Israeliyiinta qaybta ah dembiyada ka dhacaya dhulka la haysto.

Maxkamadaha Israel ayaan xitaa aalaaba askartooda u ciqaabin dembiyada baahsan ee ay ka gaysanayaan dhulka la haysto.

Hay’adda Garsoorka Israel ayaa u sameysan, sida in lagu ciqaabi oo keliya shacabka Falastiiniyiinta ee ku hoos nool nidaamka gumeysiga ee Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc