Sii Hayaha Ergayga Gaarka Qaramada Midoobey ee Somaliya, James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb.
Wafdiga oo loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa halkaasi ku qaabilay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada.
Geba-gabadii kulan gaar ah oo Madaxtooyada ay ku yeesheen, Madaxweynaha Galmudug oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka wada hadleen arrimo muhiim ah, oo ay ugu horreyaan amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.
“Sidoo kale waxaan ka wada hadalnay dastuurka iyo doorashooyinka dalka, oo iyaguna howlo badan waxna ka soo qabsoomeen, haddana shaqo ay ka socoto oo dhameystir iyo in lagaga guul gaaro ay dhowdahay ama howsheedii ay geba-gabo joogto.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha Galmudug ayaa intaasi ku daray in kulanka lagaga hadlay dagaal beeleedyada ka jira gudaha Galmudug iyo isku dhacyo kale oo u dhaxeeya qabaa’ilo ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.
Waxa uu sheegay in dadaalada xalka loogu raadinayo colaadda beelaha ay qaarkood meel wanaagsan u marayaan, kuwana ay hadda ku howlan yihiin in la xakameeyo, sida uu yiri.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa xusay inay rajeynayaan in dadku ay garowsadaan in isku dhacyadooda ay ka shaqeynayaan kooxaha argagixisada iyo dad kale oo sida uu muujiyay ka leh dano raqiis ah.
“Waxaan rajeynaynaa dadku inay gartaan in waxaasi yihiin xeelad iyo farsamo cadowga argagixisada ahi ay ka dambeeyaan iyo dano raqiis ah.” Ayuu yiri Qoorqoor oo hadalkiisa ku xoojiyay “Taasna waxaan rajeynaynaa in guul laga gaaro, waana nasiib darro runtii.”
Qoorqoor ayaa ugu dambayn sheegay in James Swan iyo wafdigiisa ay ka wada hadleen horumarinta Booliska JPP, gargaarka bani’aadantinimo iyo mashaariic horumarineed oo ka socoto Galmudug, oo sida uu sheegay hadda maraya heer geba-gabo ah.
“Guud ahaan kulankan wuxuu ahaa runtii kulan guul ah, waxyaabo badan aan isla meel dhignay ama aan uga wada hadalnay, waxaana rajeynaynaa in arrimihii aan ka wada hadalnay dhammaantood ay noqdaan kuwo ku soo kordhiya yididiilo iyo wax weyn dalka guud ahaan, gaar ahaana Galmudug, wax badana ka tara.” Ayuu yiri Qoorqoor.
Booqashadan ayaa noqonayso tii ugu horreysay ee James Swan uu ku taggo Magaalada Dhuusamareeb, tan iyo markii bartamihii bishii May loo soo magacaabay Kusimaha Madaxa Xafiiska UNSOM.
Mr. Swan ayaa Khamiistii bilaabay wareeggii 1aad ee kulamada uu Madaxda Dowlad Goboleedyada kula yeelanayo gobolada, waxaana uu ka bilaabay Magaalada Kismaayo, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Golihiisa Wasiirada. Socdaalkiisan Dhuusamareeb-na waa lugtii 2aad ee booqashada uu ku marayo gobolada dalka.