Madaxa Gargaarka Bani’aadantinimada & Maareynta Xasaradaha ee Midowga Yurub, Janez Lenarcic ayaa cambaareeyay hawlgalka ballaaran ee ay Israel maalintii labaad ka waddo Daanta Galbeed ee la haysto.
Sarkaalkan ayaa sheegay in hawlgalka militari ee ka socdo Daanta Galbeed uu yahay mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo xuquuqul insaanka.
Waxa uu dhalleeceeyay gacanta adag ee ay Ciidamada Israel u adeegsanayaan dadka rayidka ah iyo burburinta ay ku hayaan dhismayaasha la degan yahay iyo kaabeyaasha kale ee rayidka.
“Adeegsiga awoodda xad dhaafka ah, rabshadaha ka dhanka ah dadka deegaanka iyo burburinta ballaaran ee guryaha & kaabeyaasha kale waxay xadgudub ku yihiin sharciga caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha.” Ayuu yiri Janez Lenarcic.
Hadalkiisa ayaa xoojinaya walaaca caalamiga ah ee laga muujinayo hawlgalkan, oo noqonayo kiisii ugu ballaarnaa ee ay Israel ka sameyso Daanta Galbeed, muddo 20 sano ah.
Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyay in ay barakacin khasab ah ka wadaan waqooyiga Daanta Galbeed, iyagoo ku andacoonaya in ay la dagaalamayaan waxa ay ku sheegeen kooxaha argagixisada.
Inkastoo Ciidamada Israel ay hawlgal ballaaran ka wadaan Magaalooyinka Jenin, Tulkarm iyo Tubas, haddana waxay korontadii iyo biyihii ay ka jareen Jenin iyo Tulkarm, iyagoo sidoo kalena xadiday dhaqdhaqaaqa shaqaalaha caafimaadka iyo isbitaalada.