Home Wararka Maanta Jawaari oo aas qaran loogu sameeyay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Jawaari oo aas qaran loogu sameeyay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Allaha u naxariistee Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay Magaalada Muqdisho.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo horey u soo noqday Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa habmaamuus qaran loogu sameeyay Taalada Dhagaxtuur, waxaana ka qaybgalay Madaxda Qaranka, guddiga qaban-qaabada aaska qaran, ciidanka habmaamuuska qaran iyo qoyska marxuumka.

Marxuumka ayaa Salaadda Janaasada lagu la tukaday Masaajidka Isbahaysiga, waxaana ka qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Wasiiro, Xildhibaano, qoyska marxuumka iyo qaybaha kale ee bulshada.

Intaasi ka dib marxuumka ayaa lagu aasay Qabuuraha Sheekh Suufi oo ku yaala xeendaabka Madaxtooyada Qaranka.

Marxuum Jawaari ayaa Jimcihii ku geeriyooday Muqdisho, isagoo muddooyinkii ugu dambeysay ku xanuunsanayay magaalada.

Dowladda Federaalka ayaa si weyn u maamuustay aaska marxuumka, iyadoona Villa Somalia ay muujisay in rugcaddaa siyaasadeed uu ka baxay qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah qoyska marxuumka uga tacsiyeeyay geerida ku timid.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc