Home Wararka Maanta Jubbaland oo ku howlan, sidii shacabka ay amni ugu soomi lahaayeen

Jubbaland oo ku howlan, sidii shacabka ay amni ugu soomi lahaayeen

by Laacib

Ciidamada amniga Jubbaland ayaa gelinkii dambe ee Axaddii bilaabay hawlgalo lagu xaqiijinayo amniga magaalooyinka, si dadka deegaanka ay nabad ugu soomaan, isla-markaana ay ugu cibaadeystaan, inta lagu guda jiro bishan barakaysan ee Ramadan.

Warbaahinta Jubbaland ayaa ku warantay in ciidamadu ay laba jibaareen hawlgaladooda, si bay tiri ay bulshada reer Jubbaland u dareemaan nabadgelyo iyo xasillooni.

Magaalada Kismaayo oo ah magaalada ay dadka ugu badan ee reer Jubbaland ku nool yihiin ayaa ka mid ah magaalooyinka ay hawlgaladu ka socdaan.

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo ka qayb qaadanaya dadaalada amniga lagu xaqiijinayo ayaa lagu soo daadiyay waddooyinka magaalada qaarkood, iyagoona baaritaano adag ku sameynaya gaadiidka gaarka loo leeyahay iyo dadka la socda.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah magaalooyinka ugu amniga wanaagsan ee Gobolada Koonfureed.

Kismaayo waa Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, waana goobta ay ku shaqeeyaan Madaxda Jubbaland, Golaha Wasiirada, Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Guddoonkooduba.

Magaalada dekedda leh ee Kismaayo ayaana ah isha dhaqaale ee ugu muhiimsan Jubbaland.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc