Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegeysa in Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga, Kamala Harris ay Tim Walz u xulatay inuu noqdo kuxigeenkeeda doorashada madaxtinimada ee bisha November ka dhaceysa dalkaasi.
Kamala Harris oo hadda ah Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka ayaa la filayaa in dhawaan ay sameyso ku dhawaaqista rasmiga ah ee ay ku magacaabeyso ninkan.
Wararka ayaa sheegaya in haweeneydan ay magacaabista kuxigeenkeeda kaga dhawaaqi doonto isku soo bax gelinka ee maanta ka dhici doona Gobolka Philadelphia, sida ay CNN ku warantay.
Tim Walz ayaa iminka ahaa Barasaabka Gobolka Minnesota, iyadoona muddooyinkii ugu dambeysay uu saamayn weyn ku yeeshay barraha bulshada.
Mr. Walz ayaa ahaa macalin hore oo iskuul iyo tababare kubadda cagta ah, kaas oo billihii u dambeeyay si kulul barraha bulshada uga weerarayay Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump.
Aragti uruurin cusub oo la sameeyay ayaa muujineysa in Kamala Harris ay meesha ka saartay farqigii u dhaxeeyay iyada iyo Trump, tan iyo markii Madaxweyne Joe Biden uu ka tanaasulay inuu tartamo doorashada 5-ta November.
Saadaasha codbixinta sanadkan ayaa muujineysa in doorashadan ay noqon doonto mid aad uga adag doorashooyinkii hore ee dalkaasi ka qabsoomay.
Kamala Harris ayaa noqonaysa haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee u tartanto xafiiska ugu sarreya Mareykanka ee The Oval Office.