Home Wararka Caalamka Khasaaraaha shacabka Lubnaan oo aad kordhay (Tirada dhimashada ee la diiwaangeliyay)

Khasaaraaha shacabka Lubnaan oo aad kordhay (Tirada dhimashada ee la diiwaangeliyay)

by Laacib

Waxaad aad u soo badanaya dadka rayidka ah ee ku dhimanaya iyo kuwa kale ee ku dhaawacmaya duqaymaha baahsan ee ay Israel ka waddo dalka Lubnaan oo dhan.

Waxyaabaha khasaaraha shacabka aadka u kordhiyay waa in la beegsanayo guryo dhan oo la degan yahay, si loo dilo Sarkaal amaba xubno kale oo ka tirsan Ururka Xisbullah.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa mararka qaarkood bartilmaameedyo ka fulinaya goobo la tuhunsan yahay inay ku sugan yihiin xubnaha Xisbullah, balse aysan jirin cid xaqiijin karta, taasi bedelkeedana la ogyahay inay weeraradaasi ku dhimanayaan shacabka aan waxba galabsan.

Ciidanka Cirka Israel ayaa xitaa weeraraya goobaha caafimaadka iyo suuqyada, iyadoo aysan jirin hadaf sax ah.

Saraakiisha Lubnaan ayaa Israel ku eedeeyay in ciidankeeda ay dilayaan qoysaska barakacayaasha ee isku dayaya in ay ka baxsadaan dhulka ay colaadda ku ballaarisay.

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa soo saartay tirada dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah ee ku waxyeeloobay duqaymaha Israel ee aan loo meel dayeynin.

Wasaaradda ayaa sheegtay in 2,255 qof la dilay, 10,524 kalena ay dhaawacmeen, dadkaas oo sida ay sheegtay ay ku jiraan haween iyo carruur.

“Ugu yaraan 1,645 qof oo ka mid ah dhibaneyaasha ayaa la dilay, tan iyo daba-yaaqadii bishii September.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay wasaaraddu kaga warameysay khasaaraha laga diiwaangeliyay dalka oo dhan.

Dhibaneyaasha dagaalkan ayaa ah shacabka aan hubeysneyn, iyadoo ayna Israel sii waddo hanjabaadaheeda ku aaddan inaysan joojin doonin weerarada ay sheegtay inay kaga takhaluseyso Xisbullah.

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa sheegay in la wiiqay awooddii Xisbullah, dagaalkuna uu sii socon doono, illaa iyo inta laga soo afjarayo.

Israel ayaa bishii September 23-keedii ku dhawaaqday hawlgal ay ugu magac-dartay (Fallaaraha waqooyiga), kaas oo ka dhan ah Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan. Hawlgalkan oo ku bilowday duqaymo culus oo dhanka cirka ah ayaa waxaa xigay duulaan xadidan oo dhinaca dhulka oo 1-dii bishan ay Israel ku dhawaaqday in ciidamadeedu ay ka sameynayaan xuduudda koonfureed ee dalka Lubnaan.

Israel ayaa sidoo kale 7-dii bishan iclaamisay duulaan dhinaca dhulka ah oo ciidamadeeda ay gudaha ugu gelayaan xuduudda Lubnaan, taasoo ku tusineysa in dagaalku uu hadda uun bilow yahay.

Dadka rayidka ah ee labada dalka ayaa ah kuwa qiimaha ugu badan ku bixinaya dagaalkan.

Haddii Israeliyiintu ay ka xeeladeystaan weerarada ka imanaya dhanka Xisbullah ayaa waxaa la leeyahay waxaa dhibaato ugu filan cabsida ay la nool yihiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc