Ciidamada Dowladda Suuriya ayaa isaga baxay gobolka koonfureed ee dalkaasi, ka dib culeys kale oo ka soo fuulay kooxaha mucaaradka.
Xoogaga hubeysan ayaa maanta la wareegay Magaalooyinka Daraa iyo Sweida, iyagoona gacanta ku dhigay xuduudda Suuriya la wadaagto Jordan, waana khasaare lixaad leh oo istiraatijiyadeed oo soo gaaray ciidamada, muddo toddobaad gudihiis ah.
Daraa waxay ku taallaa meel qiyaastii 90km dhinaca koonfurta ka xigta dhanka waddada weyn ee Dimishiq iyo Amman oo Jordan ah.
Ciidamada Dowladda ayaan ku fara-adeygeen dhulka ay ku sugan yihiin, iyadoona ay si fudud uga la wareegayaan kooxaha ka soo horjeeda.
La wareegista mucaaradka ee labada magaalo ee Daraa iyo Sweida ayaa mucaaradka u sahleysa inay sii wadaan hawlgalkooda ku wajahan Dimishiq, waxaana xusid mudan in Daraa ama Darca ay tahay meesha uu 13 sano ka hor ka bilowday kacdoonka lagu diidan yahay xukunka Madaxweyne Bashar Al Assad.
Duulaanka danabeysan ee mucaaradka ayaa muujinaya in dowladdiisa ay ka daciifsan tahay, sidii la moodayay.
Ciidamada Dowladda ayaa waxay hadda gacanta ku hayaan Magaalooyinka Homs, Dimishiq, Latakia iyo Tartus, waxaana xusid mudan in Homs ay hareereysan tahay.
Ruushka iyo Iran oo ah labada dal ee ugu muhiimsan ee difaacaya Dowladda Madaxweyne Assad ayaa u muuqdo kuwa aan hadda ka dib ninkaasi ku ilaalin karin kursiga, marka aad eegto kooxaha ka soo horjeeda ee sida daadka oo kale u socdo iyo in ciidamadiisa ay difaacan la’yihiin goobaha ay sugan yihiin.
Moscow iyo Tehran ayaa laga yaabaa in sanado ka dib ay taageeraan qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2254, kaas oo ku baaqaya in xal siyaasadeed lagu dhameeyo dagaalka sokeeye ee Suuriya.