Home Wararka Caalamka Kolonyada gargaarka oo gaaray Gaza, xilli ay khatar dhab ah jirto iyo Lazzarini oo ka hadlay

Kolonyada gargaarka oo gaaray Gaza, xilli ay khatar dhab ah jirto iyo Lazzarini oo ka hadlay

by Laacib

Kolonyadii ugu horreyay oo gargaar sida ayaa gaaray Marinka Gaza, ka dib dhowr toddobaad oo Israel ay hortaagneyd in gargaarka uu galo dhulka go’doonsan.

Gaadiidka gargaarka ee Qaramada Midoobey ayaa Gaza ka soo galay dhanka Isgoyska Kerem Shalom ee ku yaala xadka Israel iyo Marinka Gaza, ka dib markii Dowladda Masar ay gargaarka u weecisay in halkaasi laga soo geliyo Gaza.

Dowladda Masar ayaa goor sii horreysay sheegtay in tallaabadaasi ay tahay mid ku-meel-gaar ah, illaa iyo inta laga helayo habab sharci ah oo dib loogu furayo Isgoyska Rafah ee ku yaala xadka Masar iyo Marinka Gaza.

Saraakiisha hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in tirada gaadiidka la qorsheeyay inay galaan Marinka Gaza ay gaarayaan 200 oo baabuur.

Saraakiisha ayaa sheegay in gawaarida xamuulka ay sidaan raashiin iyo shidaal. Shidaalka ayaa muhiim u ah goobaha caafimaadka, si ay u sii wadaan adeegooda caafimaadeed. Isbitaalada Gaza ayaa halis ugu jiray inay u xirmaan shidaal la’aan.

Qaramada Midoobey ayaa dalbaneysa in 500 illaa 600 oo baabuur loo baahan yahay maalintii inay galaan Marinka Gaza, si wax lagaga qabto nolosha malaayiin qof oo u badan dad barakacayaal ah.

Duulaanka Israel ee Marinka Gaza ayaa waxaa ku barakacay ugu yaraan boqolkiiba sideetan (80%) bulshada reer Gaza, oo tiradooda lagu sheego 2.3 milyan oo qof. Dadkan ayaa la ildaran cunto xumo iyo biyo la’aan, waana xilli Qaramada Midoobey ay dhawaan ku dhawaaqday in macluul ay ka dilaacday waqooyiga Marinka Gaza, ayna ku fideyso koonfurta.

Xaaladda nololeed ee dadka reer Gaza ayaa ka sii dartay, ka dib markii Ciidamada Israel ay horaantii bishan bilaabeen weerarka ballaaran ee ay ku hayaan deegaanka Rafah, iyagoona xanibay gargaarkii ka soo gudbayay dhanka Masar.

Hawlgalka dhinaca dhulka Ciidamada Israel ee bariga Rafah iyo duqaymaha aan kala joogsi lahayn ee ay diyaaradahooda dagaalka halkaasi ka wadaan ayaa caqabad ku noqday gargaarka markii horeba sida adag ku soo gelaayay koonfurta Marinka Gaza.

Rafah ayaa ah halka uu gargaarka ka soo galo Marinka Gaza, iyadoona xaaladda deegaanka ay isu bedeshay mid aad u khatar badan, muddada Ciidamada Israel ay gulufka militari ka wadaan bariga Rafah.

Dagaalka culus ee Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xamaas ku dhex maraya aagga ayaa wiiqeysa rajada laga qabo in qulqulka gargaarka uu noqdo mid joogto ah.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA), Philippe Lazzarini ayaa walaac ka muujiyay xaaladda bani’aadantinimo ee ka sii dareysa ee ka jirta Marinka Gaza.

Madaxa Hay’adda UNRWA ayaa Axaddii ka digay heerka macluusha fideysa ee ka jirta Marinka Gaza, maadaama aanan awoodin buu yiri in aan keeno sahay sax ah.

Philippe Lazzarini ayaa tilmaamay in cabsi gelinta lagu hayo ay ku riixeyso in ay joojiyaan howlaha bani’aadantinimo ee ay ka wadaan Marinka Gaza.

Lazzarini ayaa mar kale ugu baaqay Israel inaysan carqaladeyn gurmadka bani’aadantinimo ee naf badbaadinta ah, isla-markaana ay ilaaliso badqabka dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan shaqaalaha gargaarka.

Dilalka joogtada ah iyo gaajeysiinta ay Israel ku hayso dadka rayidka ah ayaa ka dhigan dembiyo dagaal, marka loo eego shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka. Xeerarka caalamiga ah ayaa mamnuucaya in la bartilmaameedsado dadka rayidka ah amaba shacabka aan hubeysneyn.

Israel ayaa istiraatiijiyad ka leh dilka iyo gaajeysiinta ay ku hayso rayidka, si ay u xaqiijiso hadafkeeda dagaalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc