Kooxaha hubeysan ee ka dagaalamaya dalka Suuriya ayaa Jimcihii sii waday inay ku sii siqaan magaalada muhiimka ah ee Homs.
Kooxahan ayaa ka soo ruqaansaday Magaalada Hama oo maalin ka hor ay dagaalka ku qabsadeen, taasoo 40km jihada koofureed kaga beegan Homs.
Warbaahinta gobolka ayaa sheegeysa in kooxaha mucaaradka ay gaareen afaafka hore ee Homs, saacado uun ka dib, markii ay magaalada isaga qaxeen kumanaan ka mid ah dadka deegaanka.
Militariga Suuriya oo ka walaacsan duulaanka ballaaran ee ku soo fool leh magaaladaasi ayaa ciidamo fara-badan dhigay duleedkeeda, si looga difaaco kooxahaasi.
Masuuliyiinta dowladda ayaa ku adkeynaya militariga in la difaaco Homs, oo ah magaalada ka soo horreyso in fallaagadu ay gaarto Caasimadda Dimishiq.
Ururka Hayat Tahrir Al-Sham (HTS) oo hoggaaminaya kooxaha kacdoonka wada ayaa bartooda Telegram-ka ku baahiyay baaq ay ugu jeedinayaan ciidamada in ay isa soo dhiibaan.
Kooxda La socodka Xuquuqda Aadanaha Suuriya (SOHR) ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in dagaal-yahanada ka soo horjeeda dowladda ay qabsadeen deegaanada Rastan iyo Talbiseh, kuwaa oo hoostaga Magaalada Homs, isla-markaana ay kaabiga u saaran yihiin magaaladaasi.
Waxyaabaha aadka loo hadal hayo ayaa ah in kooxahaasi ay ka gudbeen, xitaa iyadoo ay diyaaradaha dagaalka Ruushka ay burburiyeen buundada la isaga gudbo ee ku taala waddada xiriirisa Hama iyo Homs.
Xawaaraha sare ay ku socdaan ayaa bixinaya sawirka ah inay cagta dhigi doonaan Homs, inkastoo ay meelaha qaarkood ka dhici karaan dagaalo hakad ku keena hawlgalkoodan.
Homs oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn Suuriya ayaa haddii la qabsado waxay dhabarjab kale ku noqon doontaa dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Bashar Al Assad.
Xoogaga Islaamiyiinta ayaa toddobaadkii hore dagaalka ku qabsaday magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi ee Xalab ama Aleppo, waxayna Khamiistii qabsadeen Hama oo ah tan afaraad.