Taliyihii hore ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Faarax Cali Waasuge ayaa wacad ku maray in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan dadka taageersan Al Shabaab ee ku sugan deegaanada Hirshabelle.
Taliyaha ayaa marka hore dadkaasi ugu baaqay inay ka waan-toobaan taageerada ay u muujinayaan kooxaha argagixisada, haddii kalena ay ku bixi doonaan gacanta ciidamada.
“Waxaan leeyahay Ilaahay ka baqa. Gacanteenna ayaad sababsan doontaan, haddaydaan ka waan-toobin.” Ayuu yiri Korneyl Faarax Cali Waasuge.
Korneyl Faarax Cali Waasuge oo maanta ciidamada kula hadlayay furimaha hore ayaa sheegay in ay shaqo ka qabteen dadka teleefanada xogaha ugu gudbiya Al Shabaab, isla-markaana ay sii wadi doonaan.
“Kuwa teleefanada hoos ka diraya, shaqo badan ayaa laga qabtay, waana laga qabanaya hadda. Kow lama joogo, shaqo badanaa laga qabanaa.” Ayuu yiri Korneyl Faarax Cali.
Korneyl Waasuge ayaa wacad ku maray in ay dili doonaan nin kasta oo la arko sida uu sheegay isaga oo teleefan kula hadlaya Al Shabaab.
“Ninkii Shabaab asagoo la hadlayo la arko, waa la dilaa, ma ahan xabsi. Ninka Masaajid gubay ninka la hadlayo ee rajo ka raadinayo, asagay u taallaa. Wuxuu cunay ma aqaan, ma xoolo sixir ayuu cunay? Waa nin beydkii Ilaahay gubay ninka uu daba socdaa.” Ayuu yiri Korneyl Waasuge.
Waxa kaloo uu yiri “Waxaan aad iyo aad digniin ugu siinaynaa dadka taageersan Al Shabaab, Walaahi inaysan agteenna joogeynin. Dhulkeenna kuma noolaan doonaan, ha tagaan oo Shabaab ha u tagaan, midka aan qabanana waan khaarijinaynaa, kuwa la joogana waan ka daba tagaynaa oo waaba daba soconaa.”
Korneyl Waasuge ayaa sheegaya in ay doonayaan in dalka laga ciribtiro Al Shabaab, wax kalena aanu jirin aan ka ahayn sida uu yiri geeri ama gobanimo.
“Waxaan rabnaa Shabaab in la ciribtiro oo wadanka laga saaro. Wax kale ma jiraan geeri ama gobanimo.” Ayuu yiri Korneyl Faarax Cali Waasuge, Taliyihii hore ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Hadalkiisa ayaa imanaya, iyadoo uu guluf weyn ka socdo deegaanada Hirshabelle, kuna wajahan dhulka ay Shabaabku ka maamulaan Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.