Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soconaya kulamo looga hadlayo xiisadda dagaal ee ka jirta Gobolka Shabellaha Dhexe iyo sidii loo heli lahaa ciidamo dheeraad ah oo la dagaalama maleeshiyada Al Shabaab ee isku fidineyso gobolkaasi.
Dowladda Federaalka ayaa gadaal ka riixeysa kulamadan, oo ay leeyihiin beelaha dega gobolkaasi, iyadoo laga doonayo in ay wax ka difaacaan gobolka.
Siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha inta badan beelaha gobolkaasi ayaa abaabulaya maleeshiyaad ay tahay in ay ka qayb qaataan dadaalada ay Dowladda Federaalka dagaalka adag ku wajaheyso maleeshiyada gilgileysa gobolkaasi, gaar ahaan deegaanadii xorta ahaa ee kol hore laga saaray Al Shabaab.
Villa Somalia ayaa dooneysa in is bedel degdeg ah laga sameeyo deegaanada bari ee Gobolka Shabellaha Dhexe, oo aad arkayso in Shabaabku ay u rogayaan goobo dagaal.
Madaxtooyada Qaranka ayaa qabaa’ilada ka raadineysa maleeshiyaad ka gacan siiya, sidii loo hakin lahaa weerarada Al Shabaab, loona sii wadi lahaa hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.
Villa Somalia ayaa muruq iyo maalba ku bixineysa in la soo afjaro Shabaabka labadii toddobaad ee la soo dhaafay soo ciriiriyay bariga gobolkaasi.
Madaxda Dowladda Soomaaliyeed, kuwa Hirshabelle iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa iska dhaqaya fadeexadda ka qabsatay dagaalkan ay Shabaabku u soo weeciyeen dhulkii gacan ku jiray.
Shabaabka ayaa bishii February 20-keedii bilaabay weeraro ay ku curyaaminayaan wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ee ka bilowday deegaanada Hirshabelle.
Weerarada Shabaabku ka gaysanayaan Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa gobolkaasi ka dhigay mid ay xaaladdiisu aad u kacsan tahay.