Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa isku diyaarinaya safar lagu wado in uu ugu ambabaxo Magaalada Washington ee dalkaasi Mareykanka.
Raysal Wasaaraha Israel ayaa 4-ta bishan waxa uu Aqalka Cad uu kulan kula leeyahay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, isagoona noqonaya hoggaamiyihii ugu horreyay ee ajnabi ah ee Trump uu qaabilo, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 20-kii bishii January.
Wararka ayaa sheegaya in kulanka labada hoggaamiye ee Aqalka Cad diiradda lagu saari doono arrimaha Bariga Dhexe, oo ay ugu horreyaan xabad joojinta Gaza, maxaabiis is dhaafsiga iyo colaadda laga cabsida qabo in ay dib uga soo cusboonaato dalka Lubnaan, ka dib markii Israel ay ku adkeysatay in ciidamadeeda ay sii joogi doonaan koonfurta dalkaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Trump uu doonayo in xabad joojinta Gaza ay sii socoto, Israel-na ay tahay in ay ka qaybgasho wada hadalada dalka Qatar ee lagu sii amba-qaadayo wejiga labaad ee heshiiska xabad joojinta, si loo sii wado maxaabiis is dhaafsiga, dagaal dambena looga baaqsado.
Israel iyo Xamaas ayaa 15-kii bishii January ku heshiiyay saddex weji oo xabad joojin ah. Wejiga koowaad oo soconaya 42 cisho ayaana 19-kii bishaasi ka dhaqangalay Marinka Gaza.
Raysal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa dhawaan sheegay in ay sii socon doonaan wada hadalada u dhaxeeya Xamaas iyo Israel, si loo xaqiijiyo hirgelinta saddexda weji ee heshiiska, iyadoo markaasi uu hadafku yahay in lagu soo afjaro dagaalka Gaza.
Saraakiisha Aqalka Cad ayaa laga soo xigtay in ay suurtagal tahay in aan la gaarin wejiga labaad ee xabad joojinta, maadaama Netanyahu uu cadaadis kala kulmayo xisbiga midigta fog ee uu hoggaamiyo Wasiirka Maaliyadda, Bezalel Smotrich oo culeys ku saaraya in dagaalka Gaza dib loo bilaabo bisha March, taasna uu Trump isku dayayo in laga hortago
Xafiiska Netanyahu ayaa la fahamsan yahay in uu raadinayo marmarsiyo ay ku jebin karaan heshiiska, si ciidamadooda ay u sii wadaan dagaalka, xukuumaddiisana ay burbur uga badbaaddo.
Bezalel Smotrich, Wasiirka Maaliyadda Israel ahna Hoggaamiyaha Xisbiga National Union–Tkuma ayaa wacad ku maray inay taageerada kala laaban doonaan xukuumadda, haddii ay aqbasho wax ka badan 42 maalmood oo xabad joojin ah. Ninkan ayaa sheegay in ay khasab tahay in xukuumadda ay dib u bilowdo dagaalka, marka uu dhammaado wejiga koowaad ee heshiiska, isagoona si weyn uga biyo diidan in gebi ahaanba dagaalkan la soo afjaro.
Xukuumadda Netanyahu ayaa ku tiirsan taageerada xisbigaasi xagjirka ah, maadaama ay xukuumaddiisu tahay mid wadaag ah. Xisbigan oo ka baxa isbahaysiga dowladda ayaa waxay soo dedejineysaa in dalka laga qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay, waana waxa uu Netanyahu ka cararayo.
Kusimaha Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, haweeneyda lagu magacaabo Dorothy Shea ayaa sheegtay in Washington ay ka go’an tahay in si buuxda loo hirgeliyo heshiiskaasi, si loo sii daayo maxaabiista, dadka Gaza-na ay u eegaan bay tiri mustaqbal ifaya oo horseedaya inay yeeshaan hoggaan cusub.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Maamulka Madaxweyne Trump laga yaabo inay cunaqabateyno saaraan Smotrich iyo kooxdiisa, haddii loo arko caqabadda ugu weyn ee hortaagan in si sax ah loo dhameystiro saddexda weji ee xabad joojinta ee la doonayo in looga baaqsado dagaal dambe.
Trump ayay ahmiyad badan u leedahay hirgelinta heshiiska xabad joojinta Gaza iyo in labada dhinac ay maxaabiista is dhaafsadaan, waxaana uu horey u sheegay in heshiiskan uu bilow u yahay nabad waarta oo ka dhacda Bariga Dhexe, waana Trump oo intii aanu xafiiska la wareegin Tel Aviv ku khasbay in la joojiyo dagaalka, ka hor inta aanu talada dalka la wareegin.
Trump iyo Netanyahu ayaa la eegaya waxa ka soo bixi doona kulanka ay Talaadada leeyihiin.