Ciidamadan oo ka kooban illaa saddex urur ayaa ku wajahan furimaha hore, ka dib markii cutubkoodii u dambeeyay Jimcihii lagu dhaariyay Dugsiga Tababarka Ciidamada Turksom ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamadan ayaa isugu jira Ururada 1aad, 2aad iyo 203-aad ee Guutada 20aad ee Kumaandooska Gorgor, oo ka mid noqonaya Ciidanka Xoogga Dalka.
Ururada 1aad iyo 2aad ee Guutada 20aad oo kale ayaa tababarka loo soo xiray 1-dii bishii February, waxaana dib kaga soo biiray Ururka 203-aad ee guutadaasi, kuwaas oo sugayay qalabkii ay u baahnaayeen.
Ciidamada Ururka 203-aad ayaa Khamiistii dhoolatus ku soo bandhigay Xerada Turksom, waxaana Jimcihii lagu dhaariyay xeradaasi. Xerada Turksom ayaa ah xerada ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa.
Kumaandooskan oo saanad ciidan ka helay Dowladda Turkiga oo tababarta ayaa waxay diyaar u yihiin inay ka hawlgalaan goobaha lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ciidamadan ay ku wajahan yihiin jiidaha hore ee deegaanada Hirshabelle, gaar ahaan Gobolka Shabellaha Dhexe.
Gobolkan ayaa waxaa bil iyo dheeraad ahba deegaanadiisa bari isku soo fidinayay maleeshiyada Al Shabaab, sababtu tahay iyagoo garowsan in guluf uu ku soo fool leeyahay daantiisa galbeed oo sanado badan ay haysteen.
Shabaabka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay gilgilayay deegaanadii xorta ahaa ee horey looga saaray, si ay u fashiliyaan hawlgalka ay Dowladda Federaalka kaga saareyso galbeedka gobolkaasi.
Kororka weerarada Al Shabaab ayaa dib-u-dhac ku keenay wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ee la doonayo in lagaga saaro deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.
Dowladda Federaalka ayaa juhdi badani ku bixineysa, sidii ay uga gudbi lahayd caqabadda ka haysata gobolkan, bacdamaa uu muhiim u yahay hawlgalka ay tahay in Shabaabka lagaga ciribtiro labada maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug.
Villa Somalia ayaan iska indha tiri karin inay si degdeg ah wax uga qabato Shabaabka guur-guura ee sida aan horey loo arag qalqalgelinta uga wada gobolkaasi.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu aad muhiim ugu yahay inay soo afjarto maleeshiyadaasi, haddii uu gobolkan yahay jaantii ay ku gaari lahayd jidka xoreynta ee Gobolada Dhexe.