Laamaha amniga ee Dowladda Federaalka ayaa bilaabay baaritaanka qaraxii Talaadadii ka dhacay agagaarka Isgoyska Ceelgaabta ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo ahaa mid waddada dhinaceeda la dhigay ayaa lala beegsaday kolonyo uu la socday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Kolonyadan ayaa la weeraray, xilli ay ka yimaadeen dhinaca Madaxtooyada Qaranka, kuna sii jeedeen Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Muuqaalada laga helay goobta ayaa muujinaya in qaraxu uu haleelay mid ka mid ah gaadiidka nooca aysan rasaasta karin, kana mid ahaa kolonyadii lagu gelbinayay Madaxweynaha. Qaraxan ayaa lagu weeraray kolonyadaasi, iyadoo Madaxweynuhu uu ku sii jeeday Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo shalay uu gaaray.
Saraakiisha Booliska iyo kuwa u tababaran baaritaanada weerarada argagixisada oo goobta gaaray ayaa bilaabay baaritaanka ku saabsan qaraxaasi oo Al Shabaab ay sheegatay.
Saraakiishan ayaa la sheegaya in markii dambe ay goobta isaga taggeen, iyagoo horey u sii uruursaday, wixii macluumaad ahaa ee ay u baahnaayeen.
Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Xafiiska Madaxweynaha ay hay’adaha ammaanka ka dalbadeen in si dhow loo baaro qaraxaasi, sharcigana la horkeeno kuwii ka dambeeyay.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Saraakiisha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ay dib u daawanayaan muuqaalada ay duubeen kaamirooyinka ku xiran waddada.
Ilo wareedyada ayaa sheegaya in saraakiishu ay dib u eegayaan dhaqdhaqaaqyadii ka jiray goobta, ka hor iyo ka dib-ba qaraxaasi.
Muuqaaladan ayaa muhiim u ah, si loo helo wax uun tixraac ah oo lagu soo qaban karo dembiileyaasha. Afar qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka lix kalena ay ku dhaawacantay.
Xarunta Taliska NISA ayaa ah goobta laga la socdo amaba laga kontoroolo kaamirooyinka amniga ee ku xiran waddooyinka magaalada.
Warbaahinta ayaa fahamsan in weerarku uu dhaliyay walaac dhinaca amniga ah oo soo food saaray masuuliyiinta qaar ee Dowladda Federaalka.
Ceelgaabta waxay ka mid tahay waddooyinka ugu ilaalada adag ee Muqdisho, waana mid ka mid ah marinada ugu muhiimsan ee Madaxda Dowladda Federaalka ay adeegsadaan, marka ay Muqdisho ka dhoofayaan iyo marka ay imanayaanba, lamana oga sida halkaasi lagu keenay qarax aad u culus. Qaraxan ayaa si xun u burburiyay dhisme goobta ku yiilay.
Weerarkan bambaano ayay khubarada amniga ku macneeyeen isku day dil oo ka dhan ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka.
Madaxweynaha ayaa horey uga badbaaday isku dayo ay Shabaabku ku doonayeen in ay ku khaarijiyaan, balse weerarkii Talaadadii ayaa ahaa kii ugu horreyay ee si toos ah loogu beegsado Madaxweyne Xasan Sheekh.
Shabaabka ayaa 13-kii bishii September ee sanadkii 2012 weerar ismiidaamin ah ka gaystay Hotel Jazeera oo Madaxweynuhu uu ku sugnaa, waana maalin uun ka dib, markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee September 12-keedii ka dhacday Muqdisho.
Dabley ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ayaa sidoo kale 1-dii bishii January ee sanadkii 2014 weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday hotelkaasi, markaas oo Madaxweynuhu uu ku sugnaa. Hotelkan oo ku dhow Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa xilligaasi ku badnaa siyaasiyiinta iyo diblomaasiyiinta shisheeye ee dalka ka hawlgala.
21-kii bishii February ee sanadkii 2014 ayay Shabaabku weerar culus ku ekeeyeen Aqalka Villa Somalia, iyadoo uu Madaxweynuhu ku sugan yahay. Weerarkan ayaa xilligaasi dadkii ugu caabsanaa ee ku dhintay waxaa laga xusi karaa Allaha u naxariistee General Nuur Shirbow, Taliye Kuxigeenkii hore ee Hay’adda NISA.
Madaxweynaha ayaa ka badbaaday dhammaan weeraradaasi, oo ahaa isku dayo dil oo isaga lagu beegsanayay.
Weerarkii shalay ayaa imanaya, iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka ay Dowladda Federaalka kula jirto maleeshiyada Al Shabaab ee ka socdo Hirshabelle.