Fagaare ku yaala Magaalada Baydhabo ayaa galabta lagu toogtay laba nin oo dhallinyaro ahaa, ka dib markii lagu helay in Axaddii la soo dhaafay ay magaaladaasi ku dileen qof dumar ah.
Maxkamadda Gobolka Baay ayaa Mukhtaar Maxamed Nuur iyo Nuur Maxamed Xasan oo labaduba 20 jir ahaa ku heshay in ay toorey ku dileen marxuumad Luul Cabdiladiif Macalin.
Maxkamadda ayaa sidoo kale ku heshay in ay horey uga sii qaateen moobeel uu noociisu ahaa Samsung Galaxy A15, balse waxay ku weyday mid ka mid ah eedeymihii uu Xafiiska Xeer Ilaalinta ku soo eedeeyay, oo ah inay kufsadeen haweeneydaasi, ka hor inta aysan dilin.
Maxkamadda ayaa xukun dil toogasho ah ku ridday labadaasi nin, oo ah qisaasta marxuumadda. Maxkamadda ayaa hal fadhi ku soo geba-gabeysay dhageysiga dacwadda iyo ridista xukunka.
Arbacadan ayaa xukunka lagu riday raggaasi, isla Arbacadan ayaana lagu toogtay fagaaraha ku yaala Magaalada Baydhabo.
Dadweyne fara-badan ayaa isugu soo baxay fagaaraha xukunka lagu la fuliyay labadaasi nin.
Macalin Ilyaas Macalin oo ah sayga marxuumadda ayaa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kaga mahadceliyay, sida ay caddaaladda ugu soo dhicisay.
Ninkan oo nin naafo ah ayaa Warbaahinta kula hadlay goobta, wax yar uun ka dib, markii labadaasi nin la qisaasay, isaga oo ay kor u sidaan Wasiirada Amniga, Xasan Cabdiqaadir Maxamed iyo Caddaaladda Cabdiqaadir Yuusuf Cabdinuur.
Maxkamadda ayaa si degdeg ah uga jawaabtay codsi uu ninkaasi u soo jeediyay, kaas oo Talaadadii shalay ka dalbaday in uu caddaalad helo.
Macalin Ilyaas ayaa Macalin Dugsi Quraan ka ah mid ka mid ah dugsiyada ku yaala Magaalada Baydhabo.
Arrinta ay dadku ka argagaxeen ayaa ah in mid ka mid ah labada nin ee dilka lagu fuliyay ee lagu magacaabi jiray Mukhtaar Maxamed Nuur ay isku qoys yihiin Macalin Ilyaas.
Wasiirka Caddaaladda & Garsoorka Koonfur Galbeed iyo Wasiirka Amniga ayaa fagaaraha ka sheegay in cid kasta oo dil gaysata lagu toogan doono fagaarahan.
Labada nin ee galabta la qisaasay ayaa la sheegay in ay marxuumadda ku dileen xaafadda Mursal ee Magaalada Baydhabo.
Raggan ayaa marxuumadda ifka uga dambeeyay keliya saddex cisho.