Home Wararka Maanta Maamulka Gobolka Banaadir oo shaaciyay in la dhameystiray midabeynta mooto bajaajta

Maamulka Gobolka Banaadir oo shaaciyay in la dhameystiray midabeynta mooto bajaajta

by Laacib

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in la dhameystiray oo la soo geba-gabeeyay howshii ku aaddaneyd midabeynta iyo diiwaangelinta gaadiidleyda mooto bajaajta ee ka shaqeysa Magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka duulaya awaamiirtii 30-kii bishii March ka soo baxday Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ayaa laba sumad oo A iyo B u kala sameeyay mooto bajaajta, si qolo kastaba ay maalin u shaqeyso.

Mooto bajaajta ku buufsan midabka jaalaha/huruudda oo ku asteysan xarafka (A) ayaa shaqada bilaabi doonta 25-ka bishan oo berri ku aaddan, halka qoloda midibka buluugga ee xarafka (B) ay shaqada bilaabi doonaan maalinta xigta oo Jimce ah.

Darawalada mooto bajaajta ku buufsan midibka buluugga, waxaa ka mamnuuc ah in ay magaalada ka shaqeeyaan maalinta ay hawlgalayaan kuwa jaalaha, si la mid ah taasi waxaa darawalada bajaajleyda jaalaha ka mamnuuc ah in caasimadda ka hawlgalaan maalinta ay shaqada u leeyihiin kuwa buluugga.

Tani ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagu yareeyo mashquulka iyo ciriiriga ka jira waddooyinka Caasimadda Muqdisho, iyadoo la ilaalinayo badqabka darawalada mooto bajaajta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc