Israel ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ku gacan seyrtay baaqiisii ahaa inaysan curyaamin howlaha Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA).
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa toddobaadkii hore warqad uu u diray Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu kaga codsaday in xukuumaddiisu ay ka laabato sharciyada lagu mamnuucay Hay’adda UNRWA, ka dib markii Aqalka Knesset-ka ee Baarlamaanka Israel uu meelmariyay laba hindise sharciyeed, oo sharci ka dhigaya inaysan UNRWA ka shaqeyn karin Marinka Gaza, Daanta Galbeed iyo Israel.
Israel ayaa Qaramada Midoobey ku wargelisay inay ka baxday heshiiskii sanadkii 1967-kii, oo hagayay xiriirka ay la leedahay Hay’adda Qaramada Midoobey ee UNRWA.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Tel Aviv ay Qaramada Midoobey ku wargelisay in la joojiyay wada shaqeyntii UNRWA.
Israel ayaa xubno ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda UNRWA ku eedeysay in ay ka qayb qaateen weerarkii Xamaas ay 7-dii bishii October ee sanadkii 2023 ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.
Israel ayaa ku andacooneysa in xubno badan oo ka tirsan Ururka Xamaas ay ka mid yihiin Shaqaalaha UNRWA, iyadoo aan wax caddeymo ah soo bandhigin.
Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa sheegay in Israel ay jeedineyso eedeymo aan caddeyn loo hayn.
Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey ayaa sheegay in UNRWA ay tahay xudunta gargaar gaarsiinta ee dadka reer Gaza.
Hay’adda UNRWA ayaa go’aanka Israel ku tilmaamtay mid uun uga sii daraya masiibada bani’aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza, ka dib xanibaadda joogtada ah Israel ee ka dhanka ah kaalmada bani’aadantinimo ee la gaarsiinayo dadka rayidka ah.
UNRWA oo 8-dii bishii December ee sanadkii 1949-kii lagu sameeyay qaraar uu meelmariyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa lagu taageeraa gargaarka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee qaxootiga Falastiiniyiinta, waajibaadkeeduna wuxuu yahay inay gargaar siiso shacabkii Falastiiniyiinta ee ku barakacay Daanta Galbeed & Marinka Gaza, intii lagu jiray weeraradii isir sifeynta Israel ee la magac-baxay Nakba ee 1948-kii iyo iska horimaadyadii xigay. Waxa kaloo waajibaadka hay’adda ka mid ah inay gargaar siiso shacabkii kale ee Falastiiniyiinta ee qaxootiga ku noqday dalalka Jordan, Suuriya iyo Lubnaan.
Xiriirka Qaramada Midoobey iyo Israel ayaa gaaray meeshii ugu xumeyd, ka dib duulaankii Israel ay ku qaadday Marinka Gaza, oo Qaramada Midoobey ay si weyn uga hortimid qaabka ay u waddo dagaalkeeda Gaza.
Shaqaalaha & Xarumaha Qaramada Midoobey ee Gaza iyo shaqaalaha kale ee hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa Ciidamada Israel kala kulmay weeraro si toos ah loogu bartilmaameedsanayo, taas oo keentay in Qaramada Midoobey ay si aan la arag u cambaareyso weerarada Israel.
Weerarada Israel ayaa galaaftay nolosha 230 ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda UNRWA, iyadoo duqaymahana lagu burburiyay inta badan xarumihii ay Qaramada Midoobey ku lahayd gudaha Israel.
Qaramada Midoobey ayaa dilka shaqaalaheeda ku tilmaamtay khasaarihii ugu weynaa ee ay ebid goob qura muddo gaaban gudahood kala lulmaan shaqaalaha gargaarka.