Home Dhacdooyin Macluumaad la xiriira: Buundada keliya ay Shabaabka Shabellaha Dhexe isticmaalayeen ee la burburiyay

Macluumaad la xiriira: Buundada keliya ay Shabaabka Shabellaha Dhexe isticmaalayeen ee la burburiyay

by Laacib

Wararka laga helayo Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay burburiyeen buundo macmal ahayd, oo maleeshiyada Al Shabaab ay u adeegsan jireen meel ay isaga gudbaan labada daamood ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Buundadan oo Shabaabku ay ka sameeyeen kunteenaro iyo biro shub ah ayaa ku tiilay meel u dhow deegaanka Oobaale oo Webiga Shabelle uu maro, iyadoo Oobaale ay hoostagto Degmada Mahadaay.

Shabaabka ayaa buundadan u adeegsanayay goob ay isaga tallaabaan deegaanada bariga iyo galbeedka ee Gobolka Shabellaha Dhexe, waana meel ay marsiin jireen dhaawacyadooda ay gaynayaan galbeedka gobolkaasi, oo iyagu ay muddo dheer ay gacanta ku hayeen, waana buundada macmalka ah oo ahayd isha ugu weyn ee haatan uu ka soo gudbayay gurmadkooda ka imanaya deegaanada galbeedka, saadkana uu u soo marayay.

Xogaha soo baxaya ayaa sheegaya in Shabaabku ay horaantii bishii hore ee February dhiseen buundadaasi, waana laba toddobaad ka hor, inta aysan bilaabin in ay ku soo fidaan deegaanadii xorta ahaa ee gobolkan. Jabhadaha Shabaabka ee ka imanaya Gobolada Koonfureed ee soo gaaraya galbeedka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaana uga sii gudbayay qaybaha bari ee gobolkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ay shalay galab dhowr gantaal ku dhufteen buundadaasi.

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in Shabaabku ay buundadaasi u dhisteen, si ay uga qalqalgeliyaan amniga gobolkaasi.

NISA ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in duqayntaasi lagu dilay horjoogeyaal iyo maleeshiyaad Shabaab ah, sidoo kalena lagu burburiyay gaadiid dagaal oo maleeshiyadu ay lahayd, xilli ay qorsheynayeen inay buundada ka soo gudbaan.

Sirdoonka iyo Militariga Somaliya ayaa waxaa la sheegaya in dhowr cisho uun ka hor ay ku baraarugeen khatarta buundadaasi, ka dib macluumaad ay ka heleen dadka deegaanka.

Burburinta buundadaasi ayaa cadaadiska ku kordhi doonta Shabaabka, iyadoona xoojineysa dadaaladii socday ee maalmahaanba lagu xakameynayay dhadhaqaaqyada maleeshiyada ee sida aan horey loo arag isugu soo fidisay deegaanada qaar ee bariga gobolkaasi.

Shabaabka ayaa muddo dheer burburinayay buundooyinka ku yaala magaalooyinka ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedyada qaarkood, si ay ugu go’doomiso, gaadiidkoodana aysan u marin.

Tani waxay noqoneysaa markii ugu horreysay oo la burburiyo buundo macmal ah oo Shabaabku ay iyagu gacantooda ku sameysteen, isla-markaana ay u adeegsanayeen meel ay ka fuliyaan weeraradooda. Burburintan ayaana imaneysa xilli aad u xasaasi ah.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa cudud ciidan u adeegsanaya in awood lagu maquuniyo maleeshiyada ay Shabaabku soo geliyeen bariga gobolkaasi oo intiisa badan kol hore laga saaray.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc