Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Rasaasta iyo agabka qaraxyada loo adeegsado ee lagu qabtay Doolow

Macluumaad la xiriira: Rasaasta iyo agabka qaraxyada loo adeegsado ee lagu qabtay Doolow

by Laacib

Laamaha amniga ee Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa Axaddii gacanta ku dhigay gaari rakaab, oo laga helay rasaas, agab ka mid ah nooca loo isticmaalo walxaha qarxa iyo jaakado.

Taliyaha Saldhigga Degmada Doolow, Maxamuud Cabdi Xaashi ayaa sheegay in gaariga uu ahaa gaari rakaab siday, kaas oo uu sheegay ay ka helayn rasaasta qoriga BKM-ka ay Soomaalidu u taqaano Dabajeexa, caagado ay ku jiraan dareere ka mid ah kuwa qaraxyada loo adeegsado iyo weliba jaakadaha hoos-gashiga ee siliska rasaasta qorigaasi lagu qaato.

“Gaariga gaari Caasi ayuu ahaa, rakaab iyo wuxuu waday alaab caadi ah oo dadka shacabka ah ee rakaabku ay lahaayeen, waxaana ka helany rasaas afar kartoon oo qoriga BKM-ka rasaastiisa ah, caag labaantanle ah oo ay ku jiraan kiimiko la isku dardaray oo isugu jira dalwandi & gaaska diyaaradaha, waxaan kaloo ka helnay laba tobanle oo sidaas oo kale ay ku jiraan waxyaabo la isku dardaray oo dareere ah iyo saddex jaakadood, oo ah jaakadaha qoryaha BKM-ka boobayaasha lagu qaato.” Ayuu yiri Taliyaha.

Markii hore ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen walxaha qarxa, ha yeeshee waxaa warkaasi meesha ka saaray Taliyaha Saldhigga Degmada Doolow.

“Waxyaabaha qarxa waxa looga shakiyay oo loogu maleeyay waa caagadaha waxa ku jiro, oo ah dalwandiga, gaaska diyaaradaha iyo waxyaabaha la isku dardaray, waxaana loogu isticmaalaa walxaha qarxa, laakiin wax qarax ah ma saarnayn gaariga.” Ayuu yiri Taliyaha oo VOA la hadlay.

Taliyaha ayaa iftiimiyay in gaariga uu ka yimid Magaalada Muqdisho, uuna ku sii jeeday Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

“Kontoroolka Doolow ee dhanka Xamar ayaa lagu qabtay gaariga.” Ayuu yiri Maxamuud Cabdi Xaashi, Taliyaha Saldhigga Degmada Doolow.

Taliyaha ayaa tilmaamay inay wadaan baaritaano ku aaddan ciddii lahayd rasaasta iyo agabka kale ay gacanta ku dhigeen, isagoo intaasi ku daray in ay hadda u hayaan darawalkii iyo kirishboygii gaarigaasi oo sida sheegay xiran.

“Waxaa la hayaa kirishboygii, darawalka gaariga iyo gaarigiiba waan haynaa.” Ayuu yiri Taliyaha oo intaasi ku daray “Weli waa noo dhiman yahay baaritaanka milkiileyaashii hubka, baabuurkan tixraaciisa illaa Booliska Muqdisho ayaan xiriir ka sameynaynaa, halkaasna uu baaritaanku ka sii socon doono, Insha’Allah.”

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli maleeshiyada Al Shabaab ay muddooyinkii ugu dambeysay culeys soo saareen waddada xiriirisa Degmooyinka Doolow iyo Luuq, halkaas oo sida la sheegay ay gaadiidka ku canshuuraan.

Shabaabka ayaa lagu arkaya deegaanka Geedweyne oo ay ka sameysteen bar kontorool, oo ay ku canshuuraan gaadiidka ay rakaabka la socdaan iyo kuwa kale ee ganacsiga.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji (Macalimuu) ayaa sheegay in ay wadaan qorshe maleeshiyada lagaga saarayo deegaankaasi.

Macalimuu ayaa sheegay in sida ugu dhakhsaha badan ay ciidamo u dejin doonaan Geedweyne, taas oo meesha ka saareysa joogitaanka Shabaab ee waddada labada degmo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc