Boqorka dalka Jordan, Boqor Abdullah II ayaa cambaareeyay duqaymihii xooganaa ee ay Israel xalay ka gaysatay koonfurta dalka Suuriya, xilli uu maanta Caasimadda Amman ku qaabilay Ahmed Al Sharaa, Madaxweynaha KMG Suuriya.
Bayaan ka soo baxay Qasriga Boqortooyada ayaa lagu sheegay in Boqor Abdullah uu si adag u cambaareynayo weerarada iyo gardarrada Israel ee ka dhanka ah dalkaasi Suuriya.
Boqor Abdullah ayaa ku celiyay taageerada dalkiisa ee madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Suuriya.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa garaacay bartilmaameedyo militari oo ku yaala duleedyada Magaalooyinka Dimishiq iyo Daraa.
Dadka ku dhaqan deegaanka Kiswah ee koonfurta Dimishiq ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo waaweyn, ka dib markii la beegsaday xarun ciidan oo halkaasi ku taala.
Duqaynta ka dhacday Daraa ayaa lagu ekeeyay talis kale oo ku yaala deegaanka Tell Al-Hara.
Kooxda La socodka Xuquuqda Aadanaha Suuriya (SOHR) ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in dhowr jeer la garaacay xarumahaasi.
War ka soo baxay Taliska Militariga Israel ayaa lagu sheegay in duqaymaha lala eegtay xarumaha taliska ee koonfurta dalkaasi, oo ay ku jiraan baa warka lagu yiri bakhaarada hubka. SOHR waxay sheegtay in illaa afar qof ay ku dhinteen duqaymahaasi.
SOHR ayaa sheegtay in Israel ay sanadkan oo keliya ay 16 jeer garaacday dalkaasi, duqaymihii xalayna ay noqonayaan kuwoodii ugu xooganaa ee ay sanadkan ka gaysato Suuriya.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in weeraradan ay calaamad u yihiin in Israel aysan ogolaan doonin in koonfurta Suuriya ay noqoto koonfurta Lubnaan oo kale, isaga oo ula jeeda in Xisbullah ay ka arrimiso koonfurta Lubnaan.
“Isku day kasta oo ay sameeyaan ciidamada nidaamka Suuriya iyo ururada argagixisada ah ee dalkaasi, waxay la kulmi doonaan dab.” Ayuu yiri Wasiir Katz oo adkeynaya in koonfurta Suuriya ay u tixgelinayaan goob militariga ka caagan.
Weeraradan ayaa imanaya maalmo uun ka dib, markii Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu sheegay in Tel Aviv aysan aqbali doonin dhaqdhaqaaqyada ciidamada iyo joogitaankooda koonfurta Suuriya.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa Axaddii sheegay in ay mamnuuc tahay in Ciidamada Suuriya ay soo galaan koonfurta dalkaasi, isla-markaana ay halkaasi u asteeyeen aag ka baxsan dhaqdhaqaaqyada militariga.
“Waxaan dalbanaynaa in gebi ahaanba ciidamada laga saaro koonfurta Suuriya, oo ay ku jiraan Gobolada Quneitra, Daraa iyo Suwayda.” Ayuu yiri Netanyahu.
Tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Bashar Al Assad, Israel ayaa kordhisay duqaymaha ay ka gaysaneyso dalkaasi, iyadoo ciidamadeeda ay fariisimo cusub ka sameysteen gudaha Suuriya, sida Buurta Hermon. Ciidamada Israel ayaana marar kala duwan gudaha u galay dalkaasi tan iyo bishii December, iyagoona calankooda ka taagay, inkastoo meelaha qaarkood ay dib uga baxeen.
Ciidamada Israel ayaa bishii December la wareegay aagga militariga ka caagan ee laga dhex sameeyay labada dhinac, tallaabadaas oo ay Israel ku jebisay heshiiskii labada dal ee dhex maray sanadkii 1974-kii.
Wakiilka Qaramada Midoobey ee Suuriya ayaa goor sii horreysay sheegay in is ballaarinta Israel ay xadgudub qaawan ku tahay heshiiskii ay Qaramada Midoobey garwadeenka ka ahayd.
Magaalooyinka Suuriya ayaa waxaa ka bilowday bannaanbaxyo lagu diidan yahay go’aanka Netanyahu ee gumeysiga cusub uu ku gelinayo dalkaasi iyo isku dayada ay ku kala qaybinayaan dalka.
Kumanaan qof oo isugu soo baxay waddooyinka Magaalooyinka Dimishiq, Homs iyo Latakia ayaa dowladda cusub ugu baaqay inay duqayso Tel Aviv, si loo joojiyo Israel. Dibadbaxayaasha ayaa dowladda ku booriyay in ay jawaab adag ka bixiso joogitaanka Militariga Israel ee ku sii kordhaya dalkaasi.
Bayaan ka soo baxay dowladda uu fadhigeedu yahay Dimishiq ayaa lagu cambaareeyay xadgudubyada Israel ee ka dhanka ah madaxbanaanida Suuriya. Bayaanka ayaa loogu baaqay Beesha Caalamka in Israel lagu cadaadiyo, sidii ay u joojin lahayd gardarradeeda joogtada ah.
Weerarada Israel iyo is fiditaanka ciidamadeeda ee Suuriya ayaa waxay adkeynayaan dadaalada maamulka cusub ee Suuriya uu ku doonayo in dalka uu dib u midoobo iyo in Suuriya ay nabad kula noolaato deriskeeda.
Ka hor inta aan la ridin Dowladdii Bashar Al Assad, Israel waxay dalkaasi ku beegsaneysay kaabeyaasha militari ee Iran iyo Xisbullah ku lahaayeen dalkaasi, iyadoo ka hortageysa hubkii Xisbullaahida Lubnaan loo soo dhex marsiinayay dalkaasi.
Iran iyo Xisbullah ayaa ka qalab qaatay dalkaasi maalmo ka hor, inta aan awoodda laga tuurin Madaxweyne Assad. Israel ayaana sii waddo weeraradii dalkaasi ee soo bilowday, xilligii dagaalka sokeeye ee Suuriya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ayaa sheegay in dalka ay la wareegeen, waxa uu ku sheegay kooxo argagixiso iyo Islaamiyiin xagjir ah.
Israel ayaa dhul ballaarsi ka heshay ridista Dowladdii Madaxweyne Assad, inkastoo ay muddo dheer Suuriya ka haysatay Buuraleyda Golan, oo ay ku qabsatay dagaalkii ay Carabta la gashay sanadkii 1967-kii.
24 sano oo Assad uu ka talinayay dalkaasi, Israel ayaan hal taako ka qabsan dhulka Suuriya. Kooxaha jabhadaha ayaa 8-dii bishii December ee sanadkii 2024 afgembiyay dowladdii uu Assad hoggaaminayay.