Home Wararka Maanta Madaxda Qaranka oo aan weli ka jawaabin baaqa mucaaradka

Madaxda Qaranka oo aan weli ka jawaabin baaqa mucaaradka

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaan weli ka jawaabin baaqa uga imanaya siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood ee ku talinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qaato kaalin hoggaamineed oo lagu samatabixinayo dadka iyo dalka, ka dib markii ay kordheen weerarada ay kooxaha argagixisada ka gaysanayaan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa Arbacadii dagaal culus kula wareegtay gacan ku haynta deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo hoostaga Degmada Cadale, waana deegaankii ugu dambeeyay ee ay ka qabsadaan gobolkaasi, ka dib toddobaadyo ay is fiditaan ka wadeen.

Qabsashada maleeshiyada ee Masaajid Cali Gaduud ayaa guul darro istiraatiijiyadeed ku noqotay Dowladda Federaalka, iyadoona dadka qaarkii ay niyad jab ka muujiyeen dowladnimada, marka aad eegto kororka weeraradooda iyo inay xitaa soo kubaareynayaan Gobolka Shabellaha Hoose.

Danleyda siyaasadda ayaa bilaabay inay Madaxweynaha ugu yeeraan inuu ka gudbo kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee kala dhaxeysa mucaaradka, isla-markaana uu dhigo gogol nabadeed oo la isaga kaashanayo dib-u-xoreynta dalka iyo wiiqitaanka Al Shabaab.

Raysal Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre oo kale ayaa wuxuu leeyahay “Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa in uu qaato kaalin hoggaamineed oo uu ku samatabixinayo dadka iyo dalka, meel iska dhigo waxyaabihii sababay in lagu kala irdhoobo siyaasadda, dadka Soomaaliyeedna u fidiyo gogol qaran oo looga tashanayo samatabixinta dalka, si la isaga kaashado xoreynta dalka iyo ciribtirka khawaarijta.”

Ex Raysal Wasaare Khayre ayaa qoraal ku sheegay in uu ka damqaday in laba sano ka dib ay maleeshiyada Shabaabka ku soo laabtaan Masaajid Cali Gaduud, oo dagaal adag lagaga saaray bishii October ee sanadkii 2022.

Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed ku booriyay “Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ku boorinayaa in loo duceeyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si aan kala har lahaynna u garab istaagno Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaalada dalka looga xoreynayo khawaarijta.”

Danleyda siyaasadda ayaa Madaxtooyada Qaranka u gudbinaya farriimo ay ku muujinayaan in ay muhiim tahay in meel lagaga soo jeesto la dagaalanka Al Shabaab.

Labada xafiis ee dalka ugu sarreya ee kan Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo midka Raysal Wasaaraha Xukuumadda ayaan illaa iyo hadda wax falcelin ka bixin baaqaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka ayaa si weyn ugu kala fogaaday nooca doorasho ee sanadka soo socda dalka laga qaban doono, iyadoo dowladda ay ku adkeysanayso inay dalka ka qaban doonto doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradkana ay sheegayaan inaysan taasi suurtagal ahayn, sababtu tahay xaaladda amni ee dalka ka jirta, sidaasi daraadeedna ay dalbanayaan in dib loogu laabto doorashadii dadbaneyd ee in muddo ahba wax lagu soo dooranayay.

Farriimaha mucaaradka ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay dad badani walaac ka muujinayaan in Shabaabka ay dib ugu soo xoogeystaan dhulkii horey looga kiciyay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc