Home Dhacdooyin Madaxweynaha cusub ee Somaliland oo xilka la wareegay (SAWIRRO)

Madaxweynaha cusub ee Somaliland oo xilka la wareegay (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro) ayaa maanta loo dhaariyay xilka, isagoona noqonaya Madaxweynihii 6aad ee Somaliland.

Madaxweynaha cusub ayaa lagu caleemo-saaray munaasabad ballaaran oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Somaliland ee Magaalada Hargeysa, waxaana goobta ku dhaariyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.

Madaxweynaha oo xafiiska loo doortay shanta sano ee soo socota ayaa xilka kala wareegay Madaxweynihii shaqada kaga horreyay Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Madaxweyne Kuxigeenka cusub, Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa xilka kala wareegay Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Cabdiraxmaan Saylici).

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo munaasabadda ka hadlay ayaa ballanqaaday in uu la iman doono is bedel, isla-markaana uu ku shaqayn doono rabitaanka shacabka. Waxyaabaha uu ballanqaaday in uu wax ka qaban doono waxaa ka mid ah shaqo la’aanta, dhaqaalaha iyo adeegga caafimaadka.

Cabdiraxmaan Cirro oo ahaa Musharaxii Xisbiga Waddani ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee 13-kii bishii November ka dhacday Somaliland, isagoona tartanka kaga adkaaday labadii musharax ee kale ee loolanka uu kala dhaxeeyay, waa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo metelayay Xisbiga Kulmiye iyo Faysal Cali Waraabe oo isna ka socday Xisbiga UCID.

Doorashadan ayaa noqoneyso tii sideedaad ee laga qabto Somaliland, tan iyo intii ay ku dhawaaqday in gooni isu taageeda ay dib uga la soo laabatay Somaliya inteeda kale, muddo haatan laga joogo dhowr iyo soddon sano.

Somaliland oo muddadaasi u dhaqmeysay si ka madaxbannaan Somaliya ayaan helin aqoonsi caalami ah, sababtu tahay dunida oo weli u tixgeliso qayb ka mid ah Somaliya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc