Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalka dalka ka socdo ee ay dowladdiisu kula jirto maleeshiyada Al Shabaab.
Madaxweynaha ayaa caawa jeediyay khudbad uu ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayay munaasabadda Ciidul Fidriga, isagoo dhanka kalena kaga hadlay, kuna qeexay waxa uu yahay nooca dagaal ee ay kula jiraan Al Shabaab.
“Walaalayaal dagaalka aan kula jirno Khawaarijta ma ahan dagaal sokeeye oo xukun iyo siyaasad la isku haysto ee waa dagaal ku saleysan ilaalinta jiritaanka diinta, karaamada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaa iga go’an inaan ku hoggaamiyo dowladdeenna iyo shacabkeenna, sidii ay isaga xoreyn lahaayeen cadowga Khawaarijta ee ku soo duulay ee gumeysanayay ku dhawaad labaatan sano ee la soo dhaafay.”
Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri “Waxaa naga go’an inaan u hurno wax kasta qiimo ku fadhiya, si loo gaaro hadafka xorriyadda buuxda ee dalka iyo dadka.”
Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Somaliya ayaa ku waramaya in Shabaabku ay maanta marayaan marxaladdii ugu dambeysay, wax kasta oo dhacana aysan cabsi gelin doonin falalka ay sameynayaan.
“Walaalayaal cadowga Soomaaliyeed wuxuu marayaa rafashadii ugu dambeysay. Neefku marka ay nafta ka sii baxeyso ayuu ugu rafasho badan yahay. Waa hubaal in ay maanta marxaladdaas marayaan Khawaarijtu. Wax kasta oo dhaca nama cabsi gelinayso tallaabooyinka naf la caariga ah ee ay sameynayaan Khawaarijta maanta.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa mar kale yiri “Suurtagal ma ahan inaan aamino in karaamo, madaxtinimo iyo sharaf aan yeelanayo, xitaa anoo Madaxweynihii ah, inta qof argagixiso ah uu khatar ku yahay jiritaankeenna, sharafteenna, midnimadeenna iyo dalkeenna midnimadiisa, intaba.”
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay ka adag yihiin Al Shabaab, isla-markaana ay soo afjari doonaan, annagoo buu yiri Rabi kaashanayno, kuna kalsoon Ciidamadeenna Qalabka Sida ee geesiyaasha ah.
“Waan ka soo adkaanay, waana ka adkaanaynaa, annagoo Rabi kaashanayno, kuna kalsoon Ciidamadeenna Qalabka Sida ee geesiyaasha ah, una mahadcelinayna taageerada Ciidamada Deegaanka ee Macawiisleyda iyo taageerada hagar la’aanta ah ee Beesha Caalamka.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidamada ku ammaanay in guulihii ay ka gaareen dagaalka ay cadowga siiyeen sida uu yiri duruus ay taariikhda xusi doonto, waxaana uu ciidamadu ku booriyay in ay joogteeyaan, isla-markaana ay sii wadaan dagaalka ay dalka kaga saarayaan kooxaha argagixisada.
“Dowladdu waxay mudnaanta koowaad, tan labaad iyo tan saddexaad ay siineysaa tayaynta, qalabeynta iyo horumarinta Ciidamada Qalabka Sida. Soomaali waxay ku maahmaahdaa in lagu seexdoo, ha seexan. Ciidamadeenow dadkeenna idinka ayay idiinku jiifaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
Madaxweynaha Qaranka iyo masuuliyiinta kae ee Dowladda Federaalka ayaa abaabulaya ciidan xoog leh, oo qorshuhu yahay inay Shabaab ka sifeeyaan deegaanada Hirshabelle, si la mid ahna ay uga ciribtireen deegaanada Galmudug.