Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo socdaal ku maraya deegaanada qaar ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa maanta dhiirigelin ugu tagey ciidamada ku sugan deegaanka Juxaay oo hoostaga Degmada Aadan Yabaal ee gobolkaasi.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ammaanay dagaalka ay ciidamada kula jiraan maleeshiyada Al Shabaab, isagoona ku bogaadiyay in ay sii wadaan.
Madaxweynaha oo halkaasi kula hadlayay Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa sheegay in dadka reer Juxaay looga bartay in ay ka qayb qaataan dagaalka dib-u-xoreynta dalka, haddana ay qaybtooda ka qaataan hawlgalka ballaaran ee ka soconaya sida uu yiri deegaanada Hirshabelle.
“Nimankan dalka horumarka iyo deganaanta u diiday waxay u soo socdaan waa naftiina, maalkiina iyo sharafkiina.” Ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka iyo Hirshabelle-ba ay si buuxda u garab taagan yihiin dadka deegaanka, isla-markaan ay diyaar u yihiin inay ka caawiyaan baahiyadooda gaarka ah.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Macawiisleyda deegaanka ka dalbaday inay dagaalka sii wadaan, wixii sahay iyo saad ahna ay u dhaafaan hay’adaha dowliga ah ee barbar taagan.
“Go’aankeenna ha ahaado nimankan inaan dalka ka xoreyno.” Ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe, oo carabkeeda ku adkeeyay in Hirshabelle ay u socoto difaaca dhulkeeda iyo inay dhibaatada argagixisada ka xorowdo.
“Shabaab runtii rafashadii ugu dambeysay ayay ku jiraan, neefka haddii la bireeyo nafta markay ka baxeyso lugtuu ku raftaa. Nimankaasi rafashadii ugu dambeysay ayay ku jiraan.” Ayuu yiri Guudlaawe.
Guudlaawe ayaa waxa uu muujiyay in Shabaab la wiiqay iyagoo intaan ka awood badan, haddana ay u baahan yihiin in la is dhaafiyo.
Labada gobol ee Hirshabelle ayaa waxaa ka soconaya hawlgal ballaaran, kaas oo Dowlad Goboleedka Hirshabelle ugu magac-dartay (Hawlgalka Dabar-goynta Khawaarijta).